Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Ugu Awood Sheegtay Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan Burco.

0
Saturday July 08, 2017 - 11:08:06 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Ugu Awood Sheegtay Masuuliyiin Xukuumada Ka Tirsan Burco.

    Burco(AFKA);-Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa,gulufka taageerayaashiisa Burco ugu awood sheegtay Xisbi Xaakimka Kulmiye kadib markii uu taageero mug iyo miisaan leh Wadani kala kulmey Magaaldaasi Burco,oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee Bu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);-Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa,gulufka taageerayaashiisa Burco ugu awood sheegtay Xisbi Xaakimka Kulmiye kadib markii uu taageero mug iyo miisaan leh Wadani kala kulmey Magaaldaasi Burco,oo ay u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada Bariga Burco ha ubadnaadeen dhalinyarada aqoonyahanka ah,haweenka iyo duqeytida shilis ee hurmuudka u ah madax-dhaqameedka tan iyo intii ka dambeysay soo dhaweyntii Waftigii uu hogaaminayay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo jamaahiirka Burco weyn u dhan yihiin si ashaqaraar leh ugu soo dhaweeyeen Gobolka.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo udub dhexaad u ah taageerada Xisbiga Wadani ka helay Bariga Burco o


dareen ahaan siweyn looga dareemayo waji dadabka kaga yimid wasiiradii la socday wafdiga xisbiga Kulmiye isabadelka dabeysha Siyaasadeed ee shacbiga Bariga Burco, aqoonyanahankooda, waxgaradkooda, odoyaashooda iyo intooda badani sida lama filaanka ugu xuubsiibteen in ay taageero u muujiyaan Xisbiga Wadani Murashaxiisa iyo hogaankiisa, waxaana galabta xadhiga laga jarey Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye hore ugu lahaa Magaalada Burco khusuusan Xafiiskii weynaa ee Xaarwada oo koox haween ah oo aan badneyn lagu soo daad gureeyay.

 

Geesta kale isdaba qabateynta Xisbiga Kulmiye kaga jawaabayay dhoolatuskii Cuslaa ee Xisbiga Wadani lagaga qaabiley guud ahaanba Burco iyo Bariga Burco,ee jimcihii maanta la kowsadey ayaa ka dambeeyay, kulankii balaadhnaa ee habeenkii xaley ahaa ay dhalinyaradii ugu badneyd ee kasoo jeeday Bariga Burco ku qaabileen Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan-ciro iyo Hogaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan huteelka New-Burco ee nawaaxiga Huteelka Palaza taas oo ilaa caweysinkan ay ka socdaan Xaflad Xisbiga Wadani kusoo dhaweynayo Taageerayaal kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo ku biiraya Xisbigaasi.

Yeedhayeedhaha xanta dadweynaha Burco gaar ahaana Bariga Burco eek u sahabsan arimaha khusuusiga u ah taageerada Xisbiga Wadani xiligan ay u muujiyeen ayaa salka ku haya quus ay ka joogsadeen Wasiirada kasoo jeeda ee kujira Xukuumada oo sidii ay ka filayeen gees marey marka ay u daliishadaan qodobo dhawr ah.

Isku soo wada duub oo waxa si xaqiiq ah loo taabanayaa taageerada gunta hoose ka tolan ee ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiin badan oo hogaamiyaha Xisbiga Wadani dhidibka ugu qotonsadey Bariga Burco,taas oo aaney ka maqneyn Xubnaha ugu badan ee Golaha Deegaanka iyo qeybaha Bulshaduba.