Daawo:Xukuumada Smaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Farmaajo Ku SHeegay Inuu Daba Gal Ku Hayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaradka Carabta Ee Dekada Berbera

0
Sunday July 09, 2017 - 13:24:52 in by Burco Office
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xukuumada Smaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Farmaajo Ku SHeegay Inuu Daba Gal Ku Hayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaradka Carabta Ee Dekada Berbera

    Xukuumada Smaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Farmaajo Ku SHeegay Inuu Daba Gal Ku Hayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaradka Carabta Ee Dekada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Smaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Farmaajo Ku SHeegay Inuu Daba Gal Ku Hayo Heshiiska Somaliland Iyo Imaaradka Carabta Ee Dekada Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogo sidiia y u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.

Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya iyo hay’addo kale oo aanu magacaabin.

"Waxaan caddaynayaa sida ku cad distoorka waxa waajib nagu ah ilaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyada Somaliya,waxaan adaynayaa in bilowga hawshan ay ka horeysay 8 Febarwari 2017,sidaas darteed dawladu waxay ku hawlan tahay sidii ay ku heli lahayd xog dhamaystiran oo arrintaasi la xidhiidha,markaan helno xogtaasna waxaan la wadaagi doonaa golaha shacabka iyo hay’addaha ay khuseyso”ayuu yidhi Farmaajo.

Hadalkan Farmaajo kasoo yeedhay ayaa waxa ka jawaabay xukuumadda Somaliland,waxaana ay ku tilmaamtay mid la iska yidhi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir "Faratoon” ayaa digniin ud irey madaxda Somaliya,waxaanuu wasiirka oo u waramay wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi

"Halkani waa Somaliland ee madaxwaynaha Somaliya iyo madaxda Somaliya,waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arrimahayga oo aanay ku mashquulin,madaxwayne walba oo Somaliya yimaadaa dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ka mashquulo arrimaha Somaliland ee waxaan leeyahay madaxwaynaha,baarlamaanka iyo madaxda Somaliya haku mashquulina oo wakhtiga yaanu iidnkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin go’aana aydaan ka gaadhin Karin ee hawlahiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray

"Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo” ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.

Afka Shacabka/ Burco/Office