Daawo:Dawladaha Uganda Iyo Kenya Oo Iibsaday Diyaarado Al-Shabaab Ay Kula Dagalamaan

0
Monday July 10, 2017 - 10:54:13 in by Burco Office
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Dawladaha Uganda Iyo Kenya Oo Iibsaday Diyaarado Al-Shabaab Ay Kula Dagalamaan

    Dawladaha Uganda Iyo Kenya Oo Iibsaday Diyaarado Al-Shabaab Ay Kula Dagalamaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladaha Uganda Iyo Kenya Oo Iibsaday Diyaarado Al-Shabaab Ay Kula Dagalamaan

Dawladaha Kenya iyo Uganda ayaa waxa ay soo iibsadeen diyaarado ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Kenya ayaa iibsatay 8 diyaaradood oo noocooda uu yahay MD 530F, halka dowladda Uganda ay iibsatay Shan diyaaradooda oo isla noocaasi ah, waxayna ku iibsadeen lacag dhan $87.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Labadan dowladood ciidamo badan ayaa ka jooga Somaliya, diyaaradaha ay iibsadeen ayaa waxaa isticmaalo doona ciidamadooda ka jooga Somaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Uganda waxa ay horay u haysatay diyaarado dagaal oo ay Ruushka ka iibsatay kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso lix diyaaradood oo ah nooca SU-30MK,waxaana ay ku biirisay waaxdeeda difaaca.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda BELL ee dalka Mareykanka laga leeyahay ee diyaaradaha ka iibisay Kenya iyo Uganda, ayaa sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan diyaaradahan in loogu wareejin doono labadan dal si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka gaystaan dalalka Uganda iyo Kenya oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya.