Wiil Yar Oo Gaajo Ugu Dhintay Gurigooda Oo Ku Yaalla Dalka Ingiriiska !
hooyadii si kadis ah ugu dhex geeriyootay gurigooda oo ku yaalla Hackney ee
Dalkaasi Britain, wiilkan yar oo magaciisa la odhan jiray Chadrack ayaa waxa uu u
geeriyooday gaajo awgeed muddo laba toddobaad ah kadib markii ay hooyadii
geeriyootay sida lagu soo bandhigay jarriidada Daily Mail ee ka soo baxda
Dalkaasi Britain.
Wiilkan yar ayaa awood u yeelan kari waayay inuu taabto Bottonka Gurmadka si
loogu soo gurmado waxaana muddadaasi kadib loogu yimid isaga oo ku naf baxay
sidii uu dul fadhiyay ee uu ugu dhaganaa Meydkii hooyadii, arrintan ayaa waxay
noqotay mid aad loola yaabo gudaha Dalkaasi Britain waxa aanay dad badan is
waydiiyeen sidee ayuu Ilmaha yari gaajo daraadeed ugu dhiman karaa isaga oo ku
sugan Dalka Britain waliba sanadkan aynu ku jirno ee 2017, waxa kale oo ay is
weydiiyeen dad badani waa maxay sababta loo ogaan waayay ilmahaasi yar
muddada labada toddobaad ah ee uu hooyadii oo geeriyootay dul fadhiyay,
wiilkan yar ayaa waxay Da’diisu ahayd 4 jir halka ay hooyadiina Da’deedu ahayd
24 jir, waxaanay dadkii ka soo qayb galay aaskoodu sheegeen in dadkii dariska la
ahaa ay aad u jeclaayeen.
Wiil Yar Oo Gaajo Ugu Dhintay Gurigooda Oo Ku Yaalla Dalka Ingiriiska !
Wiil Yar Oo Gaajo Ugu Dhintay Gurigooda Oo Ku Yaalla Dalka Ingiriiska !