Xukuumadda Farmaajo Oo Buuhoodle Ka Abaabulaysa Shir Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeestay Iyo Xukuumadda Oo Aan Kelmad Ka Odhan

0
Tuesday July 11, 2017 - 11:41:46 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Farmaajo Oo Buuhoodle Ka Abaabulaysa Shir Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeestay Iyo Xukuumadda Oo Aan Kelmad Ka Odhan

    Hargeysa(AFKA);Xukuumadda Farmaajo Oo Buuhoodle Ka Abaabulaysa Shir Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeestay Iyo Xukuumadda Oo Aan Kelmad Ka Odhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Xukuumadda Farmaajo Oo Buuhoodle Ka Abaabulaysa Shir Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Dadka Deegaanka Oo Ka Soo Horjeestay Iyo Xukuumadda Oo Aan Kelmad Ka Odhan

"Shirkaas Dagaal Cad Baanu Ka Xignaa, Wixii Cawaaqib Ka Yimaadana Iyaga (Kuwa Abaabulaya) Ayaa Qaadaya” Masuul Ka Tirsan kooxda Khaatumo

Buuhoodle (Somalilandtoday)-Xukuumadda Muqdisho ayaa la sheegay inay shir lagu xagal daacinayo heshiiskii dhexmaray kooxda Khaatumo iyo dawladda Somaliland ay ka abaabulayso magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.


Dawladda Somalia ee taagta daran ayaa isugu yeedhay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Dhulbahante waxaanay kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu go’aamiyey in shir ka dhan ah maslaxadda dadka deegaanka lagu qabto magaalada Buuhoodle, shirkaas ayaana ay qabanqaabadiisu si wayn uga socotaa magaalada Xamar.

Masuuliyiin ka tirsan kooxda Khaatumo ee dhawaan heshiiska la gaadhay dawladda Somaliland iyo qaar ka mid aqoonyahanka deegaanka Buuhoodle ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhaln karta shirkaas oo ay sheegeen inuu ka soo horjeedo dahana Dhulbahante.

Masuuliyiintan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa ku hanjabay inaanu shirkaas sinaba uga dhici Karin Buuhoodle haddii la isku dayana ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto ciddii isku daydaa, waxaana hadalkoodii ka mid ahaa:

"shir kooxeedkaas lagaga dhawaaqay Xamar horena meelo kale looga dhawaaqay, aanuna uga jawaabnay inaanu ka dhacayn gobolka Cayn aad se mooddo in la iska dhego marayo oo ay tahay caduur dhaw-dhawdy uma dhacsana, waxaanu mar labaad iyo mar saddexaad ba ku celinaynaa inaanu shirkaasi ka dhici doonin Buuhoodle, inaan shirkaas kooxda mayalka adag ay gacanta ku hayso inaanu Buuhoodle ka suuroobayn ayaanu cadaynaynaa, cid kastoo isku dayda wixii dhibaato ah ee halkaas ka yimaada iyadaa ka masuul ah”

Sidoo kale masuul u hadlay Khaatumo ayaa madax-dhaqameedka ku eedeeyey inay masuul ka yihiin wixii shirkaas ka yimaadda haddiiba ay dhacdo in la isku dayo inuu Buuhoodle ka qabsoomo, waxaana uu yidhi:

"waxa jira hawlo iyo carqalado ka socda xagga Xamar oo odayaashii intay Buuhoodle, Laascaanood iyo dhulkii Dhulbahante ay ka baxeen ay Xamar ka baxeen, waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaan shirka halkaas laga soo wadaa aanu imaanayn Buuhoodle, haddii uu yimaado oo ay ka dhego adaygaana ay cawaaqibka halkaa ka yimaadda iyagu qaadayaan, arrintaas ma yeelayno dagaal cad baanu ka xignaa”.

Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal dhaq-dhaqaaqyada dhaawaca ku ah qaranimada ee shirkan ka dhalan kara, sidoo kalena waxay xukuumaddu ka cago jiidaysaa inay qabanqaabiso shirkii lagu ballamay inuu ka qabsoomo Burco.