Goorma Ayuu Madaxweyne Maraykanku Donald Trump Bookhanayaa Dalka Ingiriiska

0
Tuesday July 11, 2017 - 19:34:58 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma Ayuu Madaxweyne Maraykanku Donald Trump Bookhanayaa Dalka Ingiriiska

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayay u badan tahay in uu sannadka soo socda booqdo dalka UK. Aqalka Downing Street ee UK laga maamulo iyo Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa la rumaysan yahay inay ka baaraan dagayaan wakhtiyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayay u badan tahay in uu sannadka soo socda booqdo dalka UK. Aqalka Downing Street ee UK laga maamulo iyo Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa la rumaysan yahay inay ka baaraan dagayaan wakhtiyada ay booqashadaas ka dhigi karaan.

Laakiin sida loo arko booqashada ayaa la sheegay in ay muran dhalisay ayna arrintaaasi horsdeeday in Trump uu wax ka badalo go'aankiisii hore.Madaxweyne Trump ayaa aqbalay casuumaad ay boqoraddu u fidisay markii ay booqashada ku tagtay Maraykanka Ra'iisulwasaaraha Britain Theresa May.

Waxaa la sheegay inaanu madaxweyne Trump doonayn inuu booqdo UK maadaama


oo ay u badnayd in ay dhacaan mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo.

 

Bishii May ku dhawaad labo milyan oo ruux ayaa sixiixay mid ka mid ah dalabyo lagu doonayay in aanu madaxweyne Trump booqasho rasmi ah ku imanin dalka UK.

Siyaasiyiin sarsare oo ay ka mid yihiin hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Jeremy Corbyn iyo hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dem ayaa ku baaqay in la baajiyo booqashadaas.

Xaqiijinta booqashada Trump ayaa la filayay in ay ku jiri doonto khudbaddii boqoradda ee bishii hore oo ay ku soo gudbiso hawlaha rasmiga ah ee sannadka u yaalla.

Laakiin meelna kagamay xusin, waxaana la hadal hayay in ay suurtagal tahay in Trump uu booqashada ka dhigi doono bisha Oktoobar.

Aqalka Cad ayaa diiday wararka sheegaya in Trump uu shaki ka qabo booqashadaas, wuxuuna sheegay in ay kawada shaqaynayaan "wakhti ay labada dhinacba aqbali karaaan".

 

 

 

Source:-BBCsomali