Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda

0
Wednesday July 12, 2017 - 10:43:01 in by Burco Office
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda

    Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda

Maraakiib wada ciidammo Shiinays ah ayaa u dhaqaaqay dhanka dalka Jabuuti oo uu ku yaallo saldhigii milatari ee u horeeyay ee ay ku yeehsaan meel dalkooda ka baxsan, sida ay ku warrantay warbaahinta dawldda.

Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii'aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.

Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, laylyidda ciidamma badda iyo hawlaha samato bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.

Shiinaha ayaa dardargaliyay maalgashiga Afrika isaga oo sidoo kalene si dhakhso ah u casriyeeyay milatarigiisa sannadihii dhawaa.

Khariidadda Jabuuti

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa ku warrantay in maraakiibta wadda askartu ay ka dhaqaaqeen magaalo xeebeedka Zhanjiang ee dalka Shiinaga Talaadadii.

Ma aysan sheegin tirada maraakiibta iyo askarta iyo goorta uu hawlgalka billaabi doono saldhigaasiba.

Waxaa la sheegay in saldhiga Jabuuti uu ka dhashay "wadahadallo saaxiibtinimo" oo dhexmaray labada dal. Warar horana waxay sheegeen in dhismaha saldhigu uu billawday sannadkii hore.

Shiinaha ayaa maalgaliyay tareen isku xira Jabuuti iyo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka ItoobiyaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES
Image captionShiinaha ayaa maalgaliyay tareen isku xira Jabuuti iyo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya

Waxaa aad loogu arkaa in Shiinuhu uu doonayo in uu milatari ahaan uga muuqdo gobolka.

Laakiin Wargeyska Global Times ee ay dawladdu leedahay ayaa af Shiinays ku qoray in muhiimadda horumarinta milatariga Shiinuhu ay tahay "ilaalinta Shiinaha, isla markaasna uusan uga gollahayn in uu maamulo adduunka".

Wargeysa ayaa tilmaamay in Maraykanka, Japan iyo Faransiiska ay saldhigyo milatari ku leeyihiin Jabuuti.

Dalal badan ayaa danaynaya Jabuuti iyaga oo ugu xilanaya in ay ku taallo marin aad mashquul u ah oo ay maraakiibtu adeegsadaan iyo in uu dalkaasi yahay mid dagan oo ku yaalla gobol aan xasiloonayn.