Weftigii Musharax Cirro Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Degmada Sabo-wanaag iyo Deegaanada Hoos Yimaada ee Gobalka Maroodi-jeex+SAWIRO

0
Wednesday July 12, 2017 - 12:26:53 in by Burco Office
  • Visits: 900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Musharax Cirro Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Degmada Sabo-wanaag iyo Deegaanada Hoos Yimaada ee Gobalka Maroodi-jeex+SAWIRO

    Weftigii Musharax Cirro Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Degmada Sabo-wanaag iyo Deegaanada Hoos Yimaada ee Gobalka Maroodi-jeex+SAWIRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Musharax Cirro Oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Degmada Sabo-wanaag iyo Deegaanada Hoos Yimaada ee Gobalka Maroodi-jeex+SAWIRO

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo oo muddooyinkii dambe socdaal la xidhiidha wacyi-gelinta diiwaan-gelinta ku joogay gobalka Togdheer, ayaa hada na maanta si weyn oo ballaadhan looggu soo dhaweeyey gebi ahaan ba deegaanada iyo magaalooyinka kala duwan ee degmada Sabo-wanaag ee gobalka Maroodi-jeex.

Guddoomiye Cirro oo weftigiisa ay ku wehelinaayeen saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa waxa deegaanadaasi degmada Sabo-wanaag si weyn ugu soo dhaweeyey Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Xiirey, Ugaas Qows, madax-dhaqameed ka soo jeeda deegaankaasi, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo weli ba taageerayaal aad u tira badan oo muujinaayey sida ay u garab taagan yihiin Xisbigaasi.

Ujeedka socdaalkan oo aan ahayn olole siyaasaddeed balse Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu ku wacyi-gelinaayey dadka deegaanaddaasi in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada, ayaa uu guud ahaan soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaan-gelintu ee deegaanaddaasi isaga oo goob goob u tagay kana soo xog-wareystay qaabka ay u wadaan bixinta kaadhadhka Doorashada lagu gelaayo.

Qaar ka mid ah dadweynahii soo dhaweeyey weftiga guddoomiye Cirro oo meelo kala duwan ka hadlay, ayaa si weyn u muujiyey taageerada weyn ee ay u hayaan xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na dhalliilo xooggan u soo jeedinaayey Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen in uu hagraday intii uu talada dalka hayey.

Ugaas Qows oo ka mid ah Madax-dhaqameedka ka soo jeeda deegaankaasi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- "Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, aad iyo aad baynu u soo dhaweynaynaa oo gacmo furan baynu ku soo dhaweynaynaa, sida la sheegayna degmada Sabo-wanaag waa degmo ballaadhan, waxaana loo socdaa maanta waa in qof walba uu qaataa kaadhkii uu xaquuqda u lahaa oo haddii qofku qaadan waayo waxa iman doonta maalin la odhan doono yaa haysta kaadhka codeynta, markaa kii maanta qaadan waayoow maalintaas baad is qoomameyn ood odhan tolow maan qaato maalintii Murashaxu idiin yimi, waxa kale oon idiin sheegaya in maanta aanu Murashax ahayn Madaxweyne Siilaanyo, sidaas darteed ninka kale ayaa meeshii hoggaaminaya, inagu na waxa aynu wax iskaga celin karnaa waa qof walba in uu qaato kaadhkaas, kaas baana aynu Cirro ku dooraneynaa.”.Ayuu yidhi Ugaas Qows

Siyaasi Mawliid Weris oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey guddoomiye Cirro isaga oo sida oo kale na fariin u direy dadka deegaankaasi.

"Waxa aan runtii halkan si weyn ugu soo dhaweynaynaa Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo weftiga ballaadhan ee uu hoggaaminaayo, waxaana aan lee yahay ku soo dhawaada degmada Sabo-wanaag, waxaana aan sida oo kale u mahad-celinayaa taageerayaashii baaxadda weynaa ee iyada oon la abaabulin iskood u soo dhaweeyey Murashaxa iyo weftigiisa oo sharaf baad ku mudan tihiin dhammaan ba deegaanada hoos yimaada Sabo-wanaag oodhan, waxa kale oon idiin sheegayaa in qaadashada kaadhku ay aad muhiim u tahay, waana waxa aad ugu hiilinaysaan Murashaxiina Cabdiraxmaan Cirro, sidaas awgeed aad iyo aad baanu idiin ku boorinaynaa in aad kaadhkaas qaadataan.”.Siyaasi Mawliid Weris

Ambassador Safiina oo isna halkaas ka hadlay, ayaa guddoomiye Cirro si weyn ugu soo dhaweeyey deegaanada Sabo-wanaag, waxaana uu cod dheer ku sheegay in codka deegaanadaasi uu yahay WADDANI.

"Mudane Murashax Madaxweyne, degmada Sabo-wanaag waa deegaan aad u ballaadhan oo laga bilaabo Maroodi-jeex illaa xuduudka Itoobiya oo ay deegaan la wadaagto gaadhsiisan, markaa aad iyo aad baanu kuugu soo dhaweynaynaa. Mudane Murashax waxa aanu kuu sheegaynaa in codka Sabo-wanaag uu WADDANI yahay oo uu la shaqeynaayo danta qaranka, shacabka na waxa aan u sheegayaa in Cabdiraxaan uu yahay Mideeye, waa ninka Somaliland mideyn kara ee isku wadi kara bari illaa galbeed.”.Ambassador Safiina

Siyaasi Cawaale oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:- "Aad iyo aad baan maanta ugu faraxsanahay in aan soo dhaweyno Cabdiraxmaan Cirro oo aanu aad saaxiib u nahay oo weli ba aanu in badan Xisbiyada ka soo wada shaqeynay, markaa waxa aan lee yahay mudane guddoomiye si gaara ugu soo dhawoow magaalada Qotan-dabo, waxaana aan kuu sheegayaa in shacabka halkan joogaa ay maanta u heelan yihiin in ay codkooda siyaan Xisbiga WADDANI.”.

Afhayeenka beelaha Somaliland Suldaan Xiirey oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxadweyn u tahay in guddoomiye Cirro uu ku soo booqdo deegaanaddaasi isaga oo xusey in uu yimi deegaankiisii isla jeerkaas na ay si aada ugu soo dhaweynayaan.

"Guddoomiyaha Baarlamaanka, guddoomiyaha WADDANI, Madaxweynaha Mustaqbalka iyo weftiga uu hoggaaminaayo ba aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa, waxaana aan mudane guddoomiye ku lee yahay degmada Sabo-wanaag dhammaanteed ba ku soo dhawoow, Sabo-wanaag na qoys gaara maaha ee beelo badan baa dega, waxaanan halkan kugu soo dhaweynayaa aniga oo ah suldaanka beelaha Galbeedka Garxajis ah, dadka na waxa aan u sheegayaa in ay kaadhka qaataan oo maanta ayey fursad u haystaan in ay iska diidaan Xisbiga aanay dooneyn, Cirro na dee meeshiisii buu yimi ee sidaas u la socda.”.Suldaan Xiirey

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo ugu dambeyntii u mahad-celiyey taageerayaasha soo dhaweeyey sida oo kale n aka hadlay ujeedka safarkiisa, ayaa waxa uu yidhi:- "Aniga iyo weftiga ila socda ba waxa farxad noo ah in aanu maanta joogno deegaanka Sabo-wanaag, waxa kale oo aan ku faraxsanahay in aan maanta idin kala qeyb-galo wacyi-gelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta, kaadhkaasi na waa xuquuq uu muwaadinku lee yahay haddii aanu qaadana waxa uu waayayaa xuquuqdaas uu lee yahay oo ah in aanu codeyn markaa uma baahnin in muwaadin Somaliland ahi uu codeyn waayo, waxaana aan si guud ugu baaqayaa deegaanada degmada Sabo-wanaag, guud ahaan gobalka Maroodi-jeex iyo weli ba gobalka Togdheer ba in ay qaataan kaadhka diiwaan-gelinta, waxaana aan idiin sheegayaa in dhulkii dheeraa ee aanu soo marnay aanu xaqiiqsanay in dadka ku nool ay diyaar u yihiin isbedel dhaba oo yimaada.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro