Xasan-Xaydh Oo Bulshada Ku Booriyay Inay Qaataan Kaadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland

0
Wednesday July 12, 2017 - 12:29:52 in by Burco Office
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan-Xaydh Oo Bulshada Ku Booriyay Inay Qaataan Kaadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland

    Xasan-Xaydh Oo Bulshada Ku Booriyay Inay Qaataan Kaadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan-Xaydh Oo Bulshada Ku Booriyay Inay Qaataan Kaadhka Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh), oo ka mid siyaasiyiinta miisaanka culus ee Xisbiga Kulmiye ayaa bulshada ku booriyay inay qaataan kaadhka codbixinta Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dhammaadka sanadkan dalka ka qabsoonto, isla-markaana waxa uu baaq ku waajahan doorashada u kala diray Bulshada, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran.

Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh), waxa uu ugu horreyn ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay Kaadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyada JSL, waxaanu yidhi "Guud ahaan Bulshada Somaliland, waxaan leeyahay qaata kaadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyada, intiinii hore isugu diwaangelisay, kaadhkani waxa uu awood idiin siinayaa inaad codkiina kaga qayb qaadato talada dalka, isla-markaana aad ku doorataan musharaxa aad door-bideysaan ee aad doonaysaan inuu shanta sano ee soo socota hoggaamiyo Dalkaaga, si dalkaaga iyo dadkaagu ay horumar u gaadhaan, sidaasi awgeed Muwaadin ha dayicin fursadan ee qaado Kaadhka Codbixinta Doorashada Madaxtooyada oo haatan qaadashadiisu ka socoto Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer”.

Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh), waxa kale oo uu baaq ku waajahan Kaadh qaybinta iyo qabsoomida Doorashada Madaxtooyada u diray Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, "Doorashadii Madaxtooyada waqtigii loo asteeyay waxa ka hadhay muddo aad u yar, si doorasho xor iyo Xalaal ahi dalkeena uga qabsoonto waxaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku barraarujinayaa inay waajibkooda u guttaan si wanaagsan oo ay si weyn ugu dedaalaan inay hawsha doorashadu u qabsoomaan oo ay doorashadu xilligii loo asteeyay ku qabsoonto, taasi oo noqonaysa Guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaan Dadka iyo Dalka Somaliland, ILAAHAY-na waxaan ka rejaynayaa inuu doorashadaasi inoogu qabsoonto si wanaagsan oo nabad ah oo caddaalad ah”.

Dhinaca kale, Xasan-Xaydh, waxa uu baaq u diray Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani, Ucid waxaanu yidhi "Axsaabta Siyaasada Somaliland waxaan leeyahay tartankiinu iyo ollaluhu waa inuu noqdaa mid nadiif ah, oo ka madhan cunfi iyo ceeb oo aan ummadda dhaxalsiin buuq iyo belaayo, kaasi oo si hufan codka dadweynaha loogu baratamo, iyadoo Xisbi kastaa uu ummadda u soo bandhigayo barnaamijkiisa uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo”.

Xasan-Xaydh

Waxaanu intaasi ku daray Bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay "Doorashadii Madaxtooyada JSL, ayaa inagu soo fool leh, sidaa darteed Xisbiyadu way tartamayaan oo waxa la galayaa tartan iyo loolan, kaasi oo loo baahan yahay in si nabadgelyo ah oo ay waddaniyadi ku jirto aad uga qayb qaadataan, oo aad ka fogaataan wixii abuuraya khilaaf iyo khalkhal.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu dardaaran u jeediyey Bulshada Reer Somaliland, "Kaadh-qaadashada ugama jeedno in la iskugu faano oo la yidhaahdo reer Hebel baa badan iyo Reer Hebel baa badan, ee waa inaynu gudanno Xaqa aynu u leenahay inay Codeyno, hadhowna waxa Tiro iyo Tamarba badanaya Tartamahaa (Musharraxa) Taageerayaashiisu sida wanaagsan isku diwaangeliyeen, si wanaagsana Kaadhka Cod-bixinta u qaataan…”