Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo La Kulmay Boqorka Sacuudiga

0
Wednesday July 12, 2017 - 17:32:07 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Oo La Kulmay Boqorka Sacuudiga

    London(AFKA);-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kula kulmay Boqor Salmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kula kulmay Boqor Salmaan.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay dadaalada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeyay dalalka Khaliijka iyo sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Carabta.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo maray dalalka Qatar iyo Kuwait oo dadaal ugu jirta xalinta xiisada u dhaxeysa dalalka Qatar iyo Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hor inta uusan ka soo ambabixin Doxa waxaa uu heshiis is faham ah la saxiixday dhiggiisa Qatar, kaasoo ku saabsan in lala dagaalamo maalgelinta argagixisada.

Mr Rex Tillerson ayaa u sheegay Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga in la gaaro xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjari karo khilaafka dalalka Khaliijka.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa la kulmay Wasiirada arrimo dibadeedyada dalalka Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo ku sugan magaalada Jeddah.

Kulankan ayaa daba socda kulan horay afarta dal wasiiro arrimo dibadeed todobaad ka hor ku yeesheen magaalada Qaahira, iyagoo uga hadlay xiisada diblomaasiyadeed iyo go’doominta ay saareen dalka Qatar.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar ayaa 5-tii bishii June xiriirka u jaray dalka Qatay, iyagoo saaray xayiraad hawada, badda iyo dhulka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay maalgeliso Argagixisada, balse Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas.