Madaxweyne Siilanyo Oo Iminka Xil Cusub U Magacaabey Marwo Edna Aadan

0
Monday July 24, 2017 - 18:27:45 in by Burco Office
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo Oo Iminka Xil Cusub U Magacaabey Marwo Edna Aadan

    Madaxweyne Siilanyo Oo Iminka Xil Cusub U Magacaabey Marwo Edna Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Siilanyo Oo Iminka Xil Cusub U Magacaabey Marwo Edna Aadan

Madaxweyne Siilanyo Oo Iminka Xil Cusub U Magacaabey Marwo Edna Aadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,

waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.


 

 


MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;


Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;


Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas'uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa

Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;


Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas'uulka xilkan gudan kara;


Wuxuu go’aansaday


 

InMarwo, Adna Aadan Ismaaciil,laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.