Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo Soo Dhawaysay Magacaabida Marwo Edna Aadan Ismaaciil

0
Tuesday July 25, 2017 - 13:05:31 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Daraasaadka Siyaasada Ee CPA Oo Soo Dhawaysay Magacaabida Marwo Edna Aadan Ismaaciil

    Hargeysa(AFKA):--Xarunta CPA ayaa soo dhawaysay magacaabista marwo Edna Aden Ismaaciil oo loo magacaabay inay noqoto ergayga Jamhuuriyadda Somaliland ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):--Xarunta CPA ayaa soo dhawaysay magacaabista marwo Edna Aden Ismaaciil oo loo magacaabay inay noqoto ergayga Jamhuuriyadda Somaliland ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Xarunta CPA waxa ay marwo Edna Aden u aragtaa inay tahay qofkii ku haboonaa xilkaas, marka laga shidaal qaato arrimahan:Xarunta ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku tidhi "Xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA (Center for policy analysis), waxa ay soo dhawaynaysaa magacaabista uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay marwo Edna Aden Ismaaciil inay noqoto ergayga gaarka ah ee wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Somaliya.

- Marwo Edna Aden waa qof haya taariikhda Somaliland


oo bulshadana kalsooni wadareed ka haysata.

 

- Beesha Caalamka xidhiidh wacan la leh oo saaxiibo badan ku leh

- Waayo aragnimo iyo Aqoon fiican u leh oo u soo joogtay midnimadii hore, dawladnimadii hore, iyo burburkii dhacay iyo haatan halka dalku marayo.

Edna Aden, waxay ka mid tahay guddiga aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas daraadeed waxa ay CPA u aragtaa Marwo Edna Aden qofkii ku haboonaa xilkaas, waxaanay balan qaadaysaa inay la shaqayn doonto wixii awoodeeda ah, Allena waxay uga baryaysaa inuu xilkaas u fududeeyo.