Weriye Ka Tirsan Tvga Qaranka Oo Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Xarunta CIDA + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray.

0
Thursday July 27, 2017 - 11:01:25 in by Burco Office
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Ka Tirsan Tvga Qaranka Oo Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Xarunta CIDA + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray.

    Weriye Ka Tirsan Tvga Qaranka Oo Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Xarunta CIDA + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye Ka Tirsan Tvga Qaranka Oo Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Xarunta CIDA + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray.

Weriye Ka Tirsan Tvga Qaranka Oo Muddo Soddon Maalmood Ugu Xidhan Xarunta CIDA + Wasiirka Warfaafinta Oo Xadhigiisa Amray. Weriye Siciid Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan hawl-wadeenada Telefishanka Qaranka ayaa

la sheegay inuu muddo soddon maalmood amarka Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ugu xidhan yahay xarunta Dembi-baadhista Hargeysa.

 


 


 

Sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil u amray Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa lagu sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii lagu eedeeyey inuu jebiyey muraayad dhinaca hoose kaga taalay albaabka hoolka Tiyaatarka Wasaarada Warfaafinta.


Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani iyo masuuliyiinta kale ee wasaarada iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo isku deynay inaan wax ka weydiino, ayaanay noo suurtoobin, isla markaana aan wax tafaasiil ah ka bixinin, sababta xadhiga weriye Siciid Ismaaciil, oo hadii markhaati ku cadeeyo xitaa mudnaa in qaab ka wanaagsan, laguna luminayn kalsoonidii weriyaha iyo dhamaan inta kale ku dhameeyaan.


Inbadan oo ka tirsan shaqaalaha wasaarada warfaafinta ayaa si weyn isku weydiinaya sababta keentay in qof shaqaale ah oo dembiga lagu eedeynayey yahay muraayad yar, xadhigisa loola doontay xarunta CID-da oo baddi lagu xidho dadka dembiyada waaweyn sida argagxisada loo haysto lagu baadho, laguna xidho.


Dembiga mudadda soddonka maalmood loo haysto weriyahan ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaan weli caddeyntiisa loo gudbin hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha, isla markaana xadhigiisu u muuqdaa mid baalmarsan sifaha sharciga & qawaaniinta dastuurka JSL ee ixtiraamaya xuquuqal-insaanka.