Midawga Yurub Oo Go'aan Cusub Ka Soo Saaray Qaxoontiga Dalalkooda Ku Qul­qulaya.

0
Thursday July 27, 2017 - 11:05:41 in by Burco Office
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Go'aan Cusub Ka Soo Saaray Qaxoontiga Dalalkooda Ku Qul­qulaya.

    Midawga Yurub Oo Go'aan Cusub Ka Soo Saaray Qaxoontiga Dalalkooda Ku Qul­qulaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawga Yurub Oo Go'aan Cusub Ka Soo Saaray Qaxoontiga Dalalkooda Ku Qul­qulaya. Midawga Yurub Oo Go'aan Cusub Ka Soo Saaray Qaxoontiga Dalalkooda Ku Qul­qulaya.

 

Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa xukmisay in dadka magangalyo doonka ah dacwadahooda laga xareeyo dalka ugu horreeya ee ka tirsan midowga Yurub ee ay ka soo dhul billaabaan. Intii uu socday qulqulka muhaajiriinta ee 2015 iyo 2016 ayaa xuduudaha la isu furay, ayadoo dad badanna ay magangalyo ka dalbadeen dalal kale. Maxkamaddu waxay ogolaatay doodda dalalka Austria iyo Slovenia ee ah inay xaq u leeyihiin inay dib ugu celiyaan dadka magangalyo doonka ah halka ay Yurub ka soo galaan. Arrinta xuddunta u ah kiiska ayaa ah haddii shuruucda midowga Yurub ee magan gelyo doonka, ee loo yaqaanno xeerka Dublin, lagu dhaqi karo xaaladahaas aan caadiga ahayn. Qaxootiga ayaa waxay tahay inay magangalyo waydiistaan dalka ugu horreeya ee Midowga Yurub ka tirsan ee ay tagaan. Mushaakilka ayaa dibadda u soo baxay xagaagii 2015, markaasoo hal malyan oo isugu jira muhaajiriin iyo qaxooti ay soo dhex qaadeen dalalka galbeedka Balkanka. Jarmalka ayaa ka hakiyey xeerka Dublin qaxootiga ka yimid Suuriya, wuxuuna sidoo kale hakiyey in dib loogu celiyo dalalka ay ka soo dhul billaabeen. Laga soo billaabo bishii Agoosto 2015, boqollaal – mararka qaarna kumanaan qof – ayaa gaarayay Austria maalin kasta, kuwaasoo soo maray Hungary, ka dibna Slovenia. Badidood waxay rabeen inay Jarmalka tagaan, laakin qiyaastii 90,000 oo ka mid ah ayaa magangalyo weydiistay Austria.

Waxaa ka mid ahaa laba gabdhood oo reer Afghanistan ah oo walaalo ah – Khadija iyo Zaynab Jafari – iyo carruurtooda, kuwaasoo gaaray xudduudda Austria Febraayo 2016. Kiiska gabdhahaas iyo mid la mid ah oo ka dhacay Slovenia waxaa la horgeeyey maxakamadda caddaaladda ee Yurub. Sida uu sheegayo Stephan Klammer oo ah qareen ka socda hay’adda khayriyada ee Diakonie, xukunka wuxuu saamayn ku yeelan doonaa boqolaal magangalyo doon ah oo lagu celiyey Croatia. Arrin kale oo iyadana arrimahan xiriir la leh ayaa ah talo uu soo jeediyey la taliye sare oo ka tirsan maxkamadda oo sheegaya in xaakimiintu aqbaleen qorshaha midowga Yurub ee ah in dalal kale la dajiyo dadka magangalyo doonka ah ee ka soo gala Giriigga iyo Talyaaniga.