Daawo:Dalka Falastiin Shacabka Ku Dhaqan Ayaa Dib Ubilaabay Inay Ku Tukadan Masaajidka Al Aqsa

0
Friday July 28, 2017 - 12:12:02 in by Burco Office
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Dalka Falastiin Shacabka Ku Dhaqan Ayaa Dib Ubilaabay Inay Ku Tukadan Masaajidka Al Aqsa

    Dalka Falastiin Shacabka Ku Dhaqan Ayaa Dib Ubilaabay Inay Ku Tukadan Masaajidka Al Aqsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Falastiin Shacabka Ku Dhaqan Ayaa Dib Ubilaabay Inay Ku Tukadan Masaajidka Al Aqsa

Dalka Falastiin Shacabka Ku Dhaqan Ayaa Dib Ubiilabay Inay Ku Tukadan Masjidka Al Aqsa

Falastiiniyiinta oo loo diidan yahay in ay gudaha u galaan misaajidka Al-Aqsa

Dadka falastiniyiinta ayaa dib ugu laabtay misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa oo aysan muddo laba todobaad ah ku tukan .

Dadka muslimiinta ee misaajidka ku cibaadaysanayay ayaa si raxraxan ah u soo galiyay misaajidka ka dib markii hogaamiyayaasha muslimiinta ay qaadeen qaadacaad ahayd in aan misaajidka lagu tukan.

Muslimiinta ayaa waxa ay horey u diideen in ay misaajidka ku tukadaan tan iyo inta ay Israa’iil ka qaadayso halkaasi qalab wax loogu baaro oo ay ku rakibtay.

Israa’iil ayaa soo rogtay tillaabooyiinkan ammaanka ka dib markii lab ka mid ah askarteeda lagu dilay meel u dhaw misaajidka barakaysan ee Al -Aqsa.

Arrintaasi ayaa wax ka dhashay rabshado ka dhacay magaalada Qudus halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 130 qof ka dib markii ay booliiska isku dhaceen dad dibad bax cabasho ah dhigayay.

Falastiiniyiinta ayaa la arkayay iyaga erayo ku luuqaynaya islamarkana dabaaldagaya ka hor intii aysan galin misaajidka.

Ciidmada ammanka ee Israa’iil ayaa shalay ka furay qaybtii ugu danbeysay ee qalab wax lagu baaro oo ay ku xireen albaabka laga soo galo misaajidka Al-Aqsa.

Madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas oo ka jawaabayay tillaabada Israa’iil ayaa todobaadkii aanu soo dhaafnay hakiyay xiriirkii wadashaqaynta ee uu la lahaa xukuumada Israa’iil.