Daawo:"Dadkayga Ciddii Waxyeeshaa Way Noo Tilmaaman Tahay, Ciddi NA Yeeshaana Nagama Macaashto" FAYSA Cali Waraabe

0
Friday July 28, 2017 - 18:52:46 in by Burco Office
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:"Dadkayga Ciddii Waxyeeshaa Way Noo Tilmaaman Tahay, Ciddi NA Yeeshaana Nagama Macaashto" FAYSA Cali Waraabe

    "Dadkayga Ciddii Waxyeeshaa Way Noo Tilmaaman Tahay, Ciddi NA Yeeshaana Nagama Macaashto" FAYSA Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadkayga Ciddii Waxyeeshaa Way Noo Tilmaaman Tahay, Ciddi NA Yeeshaana Nagama Macaashto" FAYSA Cali Waraabe

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu weerar afka ah ku qaadey madaxweynaha kililka shannaad ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland lagu dhibaateeyo xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya"kililka sannaad in dadkeena lagu dhibo oo nasiib darradu waxa ay tahay marka uu soonaha Soomaalida dhaafo qofka Somalilanderka ahi sharaf ayuu ku leeyahay inta Soomaalida ku jirana kaadhka ayaa laga jarjaraa, dharka ayaa laga jarjaraa waa la caayaa wax la qarsado maaha markaa markaa annagu dadka ayaanu ilaalinaynaaye waddamada kale danahooda ma ilaalino”Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo ka eedaymo uga yimid maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo wasiiro ka tirsan dawladda Cabdi Maxamuud Cumar waxaanu yidhi"muxuu iigu jawaabi sidii Maxamed Siyaad Barre ayaa aabbo aabbo lala leeyahaye ma ninka aabbo aabbo la leeyahay, aniga iima jawaabi karo inan yari, ina Ilay dadkan waanu wada leenahay anigu reer awaare ayaan ahay in uu annaga nagu tacadiyo oo uu reer ahaan noogu tacadiyo ma ogolaanayno, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar digtaatoori maaha ee waa kharaab, malaha waxa la yidhi Somalilada laa oo waxa aad doonto ku samee adiguna kursiga fadhi, illaa iyo caabudwaaq illaa xuduuda aanu Soomaali la leenahay reer aanu dadka ka dilin ma jiraan, markaa micnuhu waxa weeyi Soomaali waxa aad doontid ka yeel adigu kursiga fadhi ma soconayso, markaa anigu nin habrada ma ihi” ayuu yidhi Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabewaxa kale oo dhaliilay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu sheegay inay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar kula soo qayilaan magaalada Jig-jiga ee xarunta dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya "baahi ayaa keentay in aan ka hadlo, haddii ay dawladda Somaliland ka hadli lahayd, qaar dawladda ka tirsan ayaa kula soo qayila jig-jiga oo kula soo xafladeeya markaa dadkayagii waa baylah ciddii waxyeeshana way noo tilmaaman tahay, ciddii na yeeshaana nagama macaashto” ayuu yidhiEng Faysal Cali Waraabe.