Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo wadooyiinka

0
Sunday July 30, 2017 - 12:17:18 in by Burco Office
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo wadooyiinka

    Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo wadooyiinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga mamnuucay in taleefoonada lagu dhex isticmaalo wadooyiinka

Magaalada Honolulu ayaa noqotay magaaladii ugu horraysay oo ka mid ah magaalooyiinka waawayn ee dalka Maraykanka ee laga mamnuuco in dadka wadooyiinka socda ay isticmaalaan taleefoonada .

Waxaa la mamnuucay in dadka marka ay wadooyiinka goynayaan ay eegaan taleefoonadooda amaba ay fariin qoraan iyaga oo wadada socda.

Tillaabadana oo ka dhaqangalisay magaalada ugu way gobolka Hawaii bisha October, ayaa waxa looga gol leeyahay in hoos loogu dhigo tirada dhimashada iyo dhaawaca gaara dadka wadooyiinka ku dhex isticmaala taleefoonada.

Waxaaa sidoo kale mamnuucida ku jira isticmaalka laabtobyada iyo kamarooyiinka casriga ah ee digitalka ee dadka qaar ay eegaan iyaga oo wadooyiinka maraya.

Sida uu dhigayo hindisa sharciyeedkani dadka lagu qabto iyaga oo wadooyiinka ku dhex isticmaalaya qalabkani ay taleefoonada ka midka yihiin ayaa waxa lagu ganaaxi doonaan 15 doolar ilaa 35 doolar.

Wicitaanada adeegyada degdega ah ayaana ku jirin mamnuucidani.

Hindisa shirciyeedkani ayaa waxa khamiistii saxiixay duqa magaalada Honolulu, Kirk Caldwell, ka dib markii golaha magaaladasi ay cod ku ansixiyeen.

Sharcigan cusub oo dhaqangali doona , 25 October, ayaa qeexaya in aan la arki Karin qof isaga oo wadadada maraya eegaya taleefoonkiisa amaba qalab kale.

Qofka lagu helo dhowr jeer falkani ayaa waxa ganaxiisa uu gaari karaa ilaa 99 doolar.

Sharcigani cusub ayaa waxa ka soo horjeedsaday qaar ka mid ah bulshada,waxa ayna dowladda ku eedeeyeen in sharciyo ka badbadis ah ay wado.

Tirada dadka ay waxyeelada soo gaarto dalka Maraykanka iyaga oo ku mashquulsan taleefoonada gacanta marka ay wadooyiinka socdaan ayaa dhan 11,100 intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2011,sida ay sheegeen golaha badbaadada dalkaasi.