Hadda Waa Helnay Gantaalada Gaadha Dhammaan Dhulka Maraykanka" Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Nooca Ridada Dheer Ah
Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay Gantaalkii labaad ee ridada
dheer oo ay bishan tijaabiyaan, kaasi oo kusoo dhacay bada dalka Japan.
Xukuumada Pyongyang ayaa tijaabada Gantaalkan Qaaradaha isaga kala goosha
ku tilmaamtay mid ay ku guuleysteen, isla markaana ay hada heleen gantaalada ay
ku duqeyn karaan guud ahaan dhulka Maraykanka.
" Tani Waa Digniin Adag oo ku socota Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo
baxay Xukuumada Kuuriyada Waqooyi.
Khubarada dhanka hubka ayaa sheegay in Gantaalkan ugu danbeeyey uu yahay
mid ka awood badan kii ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay 4tii bishan July kaasi oo
la sheegay inuu gaari karay gobalka Alaska ee Maraykanka.
" Gantaalkan wuxuu tusaale u yahay awooda Kuuriyada Waqooyi inay xiligii ay
doonto duqeyn karto goob walba oo kamid ah dhulka Maraykanka…” ayaa lagu
yiri Qoraalka lagu baahiyey Wakaalada Wararka ee Kuuriyada Waqooyi (KCNA).
Maraykanka ayaa cambaareeyey tijaabadan, Donald Trump ayaa sheegay in
dowladiisa ka shaqeyn doonto adkeynta iyo difaaca dhulkooda iyo dalalka
xulafadooda ah ee Aasiya. Xoghayah Arrimaha Dibada Maraykanka Rex Tillerson
ayaa isaguna ugu baaqay dowlada China inay cadaadiso Kuuriyada Waqooyi.
Xukuumada Trump oo horey ugu hanjabtay inuu ka dhamaaday dulqaadkii ayna
tilaabo ka qaadi doonaan Kuuriyada Waqooyi, ayaan sheegin waxa ay hada ka
yeeli doonaan dalkaasi oo sii wada tijaabinta Gantaalada oo uu hada u muuqdo
inuu heer fiican ka gaaray.
China oo ah dalka xidhiidhka ugu dhaw laleh Kuuriyada Waqooyi ayaa qudhiisa
cambaareeyey tijaabadan. Walow hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim JongUn
uu horey dhegaha uga fureystay cambaareynta uga timid beesha Caalamka iyo
saaxiibadiisa China.
Hadda Waa Helnay Gantaalada Gaadha Dhammaan Dhulka Maraykanka" Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Nooca Ridada Dheer Ah
Hadda Waa Helnay Gantaalada Gaadha Dhammaan Dhulka Maraykanka" Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Nooca Ridada Dheer Ah