Codaynta baarlamaanka Venezuela oo maanta dhacaysa xilli ay dibad baxyo ka socdaan

0
Sunday July 30, 2017 - 14:29:43 in by Burco Office
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Codaynta baarlamaanka Venezuela oo maanta dhacaysa xilli ay dibad baxyo ka socdaan

    Codaynta baarlamaanka Venezuela oo maanta dhacaysa xilli ay dibad baxyo ka socdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codaynta baarlamaanka Venezuela oo maanta dhacaysa xilli ay dibad baxyo ka socdaan

Codaynta muranka dhalisay ee lagu soo dooranayo baarlamaanka Venezuela ayaa maanta ka bilaabanaysa dalkaasi

Golaha la soo dooran doono ayaa waxa ay awood u yeelan doonaan in ay dib u qoraan dastuurka dalkaasi.

Mucaaradka Venezuela ayaa waxa ay sheegeen in soo doorashada golaha barlamaanka ay tahay mid madaxwayne Nicolas Maduro uu ku doonayo in uu ku sii xoojiyo awoodiisa ,waxa ayna mucaaradka qaadaceen codaynta manta.

Madaxwayne Nicolas Maduro ayaa dhankiisa sheegay in qaabka kali ah ee uu dalkasi uga bixi karo dhibaatada dhaqaale iyo mida siyaasadeed ay tahay in la helo golle baarlamaanka oo cusub.

Hasa yeeshee madaxa gudiga doorashada ee dalkaasi Tibisay Lucena ayaa sheegtay in qaar ka mid ah qalabka doorashada la weerar islamarkana la gubay qayba ka mida ah dalkaasi.

Iyada oo la mamnuucay in wax dibad baxa ah la dhigo,mucaaradka ayaa waxa ay dadka ugu baqeen in ay isu soo baxaan oo ay dibad baxyada sii wadaan.

Maalintii Sabtida, tira yar oo ka mid ah dibad baxayaasha ayaa isu soo baxay caasimada dalkaasi ee Caracas,waxa ayna xireen wadooyiinka.

Dalka Venezuela oo qani ku ah Saliida ayaa waxa ka aloosnaa muddooyiinkii ugu danbeeyay dhibaato siyaasdaeed waxaana intaa u dheeraa sicir barar xoogan oo dalkaasi ku dhuftay.

Dibad baxyo rabshado wata oo tan iyo bishii April ka socday dalkaasi ayaa waxa ay galaafteen noolasha in ka badan 100 qof.