AMISOM oo ka baxaysa Soomaaliya laga billaabo dhammaadka sanadkan

0
Sunday July 30, 2017 - 15:07:24 in by Burco Office
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo ka baxaysa Soomaaliya laga billaabo dhammaadka sanadkan

    AMISOM oo ka baxaysa Soomaaliya laga billaabo dhammaadka sanadkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMISOM oo ka baxaysa Soomaaliya laga billaabo dhammaadka sanadkan

Dowladda Soomaaliya iyo hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyay in laga billaabo dhammaaka sanadkan ay ciidamada Soomaaliya la wareegaan mas'uuliyadda ammaanka dalka, xilligaasi oo ciidamada ugu horreeyay ee AMISOM la filayo in ay dalka ka baxaan.

Arrintaasi ayaa looga wada hadlay shir labada dhinac muddo shan maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo shalay la soo gaba-gabeeyay.

Wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi sidoo kale looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa in ciidamadan iskaashanaya ay u wiiqi lahaayeen awoodda Al-Shabaab, gacantoodana looga saari lahaa dhulka ay haatan maamulaan.

Haddaba qodobada shirkaasi ka soo baxay ayay Faadumo Macalin Abuukar ka wareystay wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya, Rashiid Cabdullaahi Maxamed.