Xubin Sare Oo ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya Oo Meydkiisa La Helay.

0
Tuesday August 01, 2017 - 13:41:11 in by Burco Office
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Sare Oo ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya Oo Meydkiisa La Helay.

    Xubin Sare Oo ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya Oo Meydkiisa La Helay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubin Sare Oo ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya Oo Meydkiisa La Helay. Xubin Sare Oo ka Tirsanaa Guddiga Doorashooyinka Dalka Kenya Oo Meydkiisa La Helay.

 

 

 

Xubin sare oo guddiga doorashooyinka dalka Kenya u qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay, sida guddig doorashooyinka ay sheegeen.

Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada guud ee dalka Kenya.

Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida ay sheegeen Booliisaka.

"Shaki kuma jiro in la jirdilay kadibna la dilay. Su’aasha keliya ee maskaxdeena ku jirta ayaa ah (Yaa dilay), maxaase loo dilay iyadoo doorashada ay ka harsantahay hal todobaad”, sidaasi waxaa wariyaasha u sheegay Chebujati guddiga ka tirsan.

Wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku warramay in meydka Mr Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jirdil ka muuqdo.

Dowladda Kenya ayaa hadda wada baaritaan xooggan, waxaana la sheegayaa in baritaankasi uu saameyn doono qaar kamid ah siyasiyiinta ku jira Ololaha doorashooyinka dalkaasi.

Doorashada dalka Kenya ayaa lagu wadaa in la qabto 8-dda bisha fooda nagu soo haysa ee August.