Askar Ka Tirsan Ciidamada Cirka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Burburtay.

0
Thursday August 03, 2017 - 10:38:43 in by Burco Office
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Ka Tirsan Ciidamada Cirka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Burburtay.

    Askar Ka Tirsan Ciidamada Cirka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Burburtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar Ka Tirsan Ciidamada Cirka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Burburtay. Askar Ka Tirsan Ciidamada Cirka Jabuuti Oo Ku Geeriyooday Diyaarad Burburtay.

Shilkan diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi. Waxaa shikaasi diyaaradeed ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu magacabo Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed oo kamid ahaa ciidamada Cirka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi. "Anigoo ku hadlaya magaca madaxwweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi difaacaan” Ayuu yiri wasiirka gaashaandhiha Jabuuti. Co.l Ibraahim C/llaahi Geele ayaa muddo 40 sano ah ka tirsanaa ciidamada militariga dalkaasi jabuuti islamarkaana soo qabtay shaqooyin aad u farabadan wuxuuna ahaa qabiir military gaar ahaan ciidamada cirka , sida uu sheegtay wasaaradda Gaashaandhiga dalkaasi.