Taliyaha Ciidanka Traffic-ga Oo kahadlay Hawlgal Uu Sheegay In Ay Ku Qabteen Baabuur GT Ah Oo Laga Furtay Lambarradii

0
Thursday August 03, 2017 - 13:33:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Traffic-ga Oo kahadlay Hawlgal Uu Sheegay In Ay Ku Qabteen Baabuur GT Ah Oo Laga Furtay Lambarradii

    Hargeysa(AFKA);Taliyaha Ciidanka Traffic-ga Oo kahadlay Hawlgal Uu Sheegay In Ay Ku Qabteen Baabuur GT Ah Oo Laga Furtay Lambarradii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Taliyaha Ciidanka Traffic-ga Oo kahadlay Hawlgal Uu Sheegay In Ay Ku Qabteen Baabuur GT Ah Oo Laga Furtay Lambarradii
Ciidamada nabad galyada wadooyinka somaliland ayaa bilaabay hawl galo ay ku qabanayaan baabuurta dawlada ee lagu isticmaalo lambarka baabuurta shacabka ah. Taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa sheegay in amarka ay ku qabanayaan baabuurtani uu yahay mid guud oo ka soo baxay dawlada, waxaanu fariin u diray cid kasta oo haysata baabuurtii dawlada isla markaana ku xidhay lambarka u gaarka ah baabuurta dadka shacabka ah.

Ugu horayn taliye Gaashaanle Faysal Xiis oo ka hadlaya hawl galada ay ciidamada amaanku fulinayaan ayaa waxaa uu yidhi ""Dhawr baabuur ayaanu qabanay, waxaanan gaynay wasaarada hawlaha guud, amarkaasina waa mid guud oo dawlada ka soo baxay, cidii wadata baabuurta GT waa inay ku xidhaan lambarkii saxda ahaa ee loogu tala galay.” Taliye Faysal Xiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Ciidanka Booliska guud ahaan gaar ahaan ciidanka nabad galyada wadooyinku waxay ka shaqaynayaan baabuurtii ay dawladu lahayd oo intoodii badnayd lagu xidhay lambar Somaliland ah, waana sharci daro, waxa weeyaan in baabuurta dawlada loo ogol yahay inay ku xidhaan lambaradii ay dawladu lahayd, kaas ayaana lagu soconayaa oo laga hawl galayaa, haddii ay yaalaan meelo gaar ah iyo haddii ay yaalaan geerashyadaba waa laga soo qaadayaa baabuurta dawlada, waxaana lagu xaraynayaa wasaarada hawlaha guud, waxaanan ka codsanaynaa cid kasta oo haysata baabuurtaas inay iska soo xareeyaan ama ay ku xidhaan lambarkii gaadiidka dawlada.”

Source;Hubaal