Madaxweynaha Maraykanka Oo Dhigiisa Mexico Si Cadho Leh Ugala Hadlay Lacagta Ku Baxaysa Dhismaha Gidaarka Xadka Labada Dal

0
Friday August 04, 2017 - 13:01:53 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maraykanka Oo Dhigiisa Mexico Si Cadho Leh Ugala Hadlay Lacagta Ku Baxaysa Dhismaha Gidaarka Xadka Labada Dal

    Qoraallo la helay ayaa muujinaya in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku booriyey dhigiisa dalka Mexico in uu joojiyo hadallada uu fagaarayaasha ka yidhaa ee ah in aanu bixinayn kharashka lagu dhisayo gidaarka madaxweyne Trump doonayo inuu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraallo la helay ayaa muujinaya in madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku booriyey dhigiisa dalka Mexico in uu joojiyo hadallada uu fagaarayaasha ka yidhaa ee ah in aanu bixinayn kharashka lagu dhisayo gidaarka madaxweyne Trump doonayo inuu ka dhiso xadka labada dal.

"Warbaahinta sidaa kuma odhan kartid" ayaa la sheegay in uu ku yidhi.Qoraalladan lagu dhigay nuxurka wada hadal ay labada madaxweyne ku yeesheen telefoonka 27-kii Jeeniweri, oo uu helay wargeyska Washington Post ayaa muujinaya in Trump uga digay Enrique Pena Nieto in uu fagaarayaasha ka deedafeeyo gidaarka.

Qoraallo kale oo lagu dhigay nuxurka wadahadalkii ugu horeeyey ee


uu Telefoonka kula yeeshay Ra'isal Wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull, ayaa iyagana sidoo kale la faafiyey.

 

Wadahadalkaa teleefanka ee cadhada lahaa ayaa Madaxweyne Trump ugu sheegay dhigiisa Mexico in uu ahaa "wadahadalkii ugu xumaa" ee uu maalintaa yeeshay, hase ahaatee kii uu la yeeshay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu ku sheegay inuu ahaa mid xiise badan.

Madaxweyne Trump wuxuu ololihiisii doorashada ku galay ballan uu qaaday oo ahayd inuu soohdinta koonfureed ee Maraykanka ka dhisi doono gidaar, waxaanu wacad ku maray in Mexico bixin doonto kharashka mashruucaa ku baxaya.

Hase yeeshee, qoraalladan la helay waxay muujinayaan in madaxweynaha Maraykanku qiray in kharashka lagu maal gelinayo dhisma gidaarkaasi meelo kale laga heli doono, waxaanu yidhi "si uun baanu yeeli doonaa oo farsamo ku keeni" lacagtaa lagu helo.

Waxaanu hadalkiisa ku daray oo yidhi "hadii aad tidhaahdo Mexico ma bixinayso kharashka lagu dhisayo gidaarka, kulan fool ka fool ah idinla yeelan maayo sababta oo ah hadalkaa aad sheegaysaa waa wax aan i marayn".

 

 

 

Source:-BBCsomali