"Culumada iyo Dadka Cilmiga u leh Diinta ha loola noqdo wixii Diin ah, Bulshaduna Diintooda ha difaacdaan" Dr. Xasan Sh.Cali Warsame

0
Friday August 04, 2017 - 16:04:32 in by salman abdi
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Culumada iyo Dadka Cilmiga u leh Diinta ha loola noqdo wixii Diin ah, Bulshaduna Diintooda ha difaacdaan" Dr. Xasan Sh.Cali Warsame

    Caalimka weyn ee Dr Xasan Sheekh cali warsame ayaa maanta khudbadiisi jimcaaha kaga hadlay arintii kaniisada hrgeysa laga furayey ee maalmihi u danbaysay hadalhaynteedu bulshada dhexdeeda ku faaftay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalimka weyn ee Dr Xasan Sheekh cali warsame ayaa maanta khudbadiisi jimcaaha kaga hadlay arintii kaniisada hrgeysa laga furayey ee maalmihi u danbaysay hadalhaynteedu bulshada dhexdeeda ku faaftay,

sheekhu wuxu sheegay in Dad badan oo diinta aqoon badan u lahayni siyaabo khaldan oo gef ah uga hadleen isagoo u caqli celinaaya dadkaasna wuxu yidhi sheekhu ""Culumada iyo Dadka Cilmiga u leh Diinta ha loola noqdo wixii Diin ah, Bulshaduna Diintooda ha difaacdaan”

Sheekhu wuxu aad u bogaadiyey dadki sida aqoonaysan ee cilmiga badan iyo fejignaantu ka muuqatay uga falceliyey arinkaas isago tilmaamay in hadimooyinka gaalada laga feejignaado oo lagu kadsoomin kaartooyinka ay soo maleegayaan.

Dr. Xasan Sheekh cali warsame oo khudbadii jimcaha u jeedinayey boqolaal qof oo ku tukanayey Masajidka saalixiyada e Burco ayaa sido kale si waafiya u sharaxay aragtiyaha ay bulshadu ka bixiyeen arinkan kiniisada, wuxuna tilmaamay inaanay diintu aragti ahayn isl amrkaasna an xaqa iyo baadilka la tartan siin karin, isago u caqli celinaya dadki difaacayey kaniisadaas in la dhiso wuxu yidhi "Dal islaam ah 100% side loola simi karaa dal gaal iyo islaamba ku nool yihiin oo shuruuc ay dalalkaasi samaysteen uu ku helay qofka islaamka ahi inu masaajidki iyo adeegyadiisi kaleba helo” ayu yidhi sheekhu

Sheekhu wuxu xusay inaan cadaalad lagu qiyaasi karin xaqa iyo baadilka ee laba xuquuqood ama xaq lagu qiyaaso isago tilmaamay in diinta islaamka ah mooyee diin kale oo xaq ahi aanay jirin isla markaasna ilaahay kitaabkiisa ku sheegay, wuxuna u soo jeediyey bulshda islaamka ah inay ku faanaan diintooda oo ay u arkaan sharaf ay dadka kale dheeryihiin.

Gebogabadi sheekhu wuxu xukumadda ku ammaanay go’aankii ay ka qaadatay kadib baaqyadii culumada, wuxuna bulshada iyo xukumadda ba usoo jeediyey inay aad ugu dhabo galaan waxyaabaha ay wadaan gaalada macaaamilku inaga dhexeeyo ee dalkeena yimaada oo ay ka feejignaadaan.


Afkashacabka.com
Burco/ Office