Cisbitaalka Magalada Burco Oo Qarka U Saaran Inuu Xidhmo Iyo Bukaan Jiifka Oo Ka Dayriyay+Madaxdii Cafimaadka Oo Ka Mashquulay.

0
Friday August 04, 2017 - 18:59:11 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cisbitaalka Magalada Burco Oo Qarka U Saaran Inuu Xidhmo Iyo Bukaan Jiifka Oo Ka Dayriyay+Madaxdii Cafimaadka Oo Ka Mashquulay.

    Burco(AFKA);:Qaar Ka Mida Bukaan-Jiifka Ku Sugan Cisbitaalka Wayn Ee Magalada Burco Ayaa Ka Dayriyay Xaalada U Hada Ku Sugan Yahay Cisbitaalku Oo Hada Qarka U Saaran Inuu Xidhmo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);:Qaar Ka Mida Bukaan-Jiifka Ku Sugan Cisbitaalka Wayn Ee Magalada Burco Ayaa Ka Dayriyay Xaalada U Hada Ku Sugan Yahay Cisbitaalku Oo Hada Qarka U Saaran Inuu Xidhmo,

Qaar Ka Mida Waalidiinta Bukaan-Jiifka Ah Ee Ku Sugan Cusbitaalka Burco Oo Warbaahinta Uga Waramayay Xaalada Cusbitaalka Ayaa Tilmaamay Inuu Hadda Ku Sugan Yahay Cisbitaalku Meeshii Ugu Hoosaysay,

Hoyooyinkani Iyo Abayaashani Ayaa U Daliishayday In Cisbitaalka Ka Maqan Yihiin Baahiyha Cafimaad Waxanay Eedo Kulul Ujeediyeen Maamulka Caafimaadka Gobollka Togdheer Iyo Wasiirka Cafimaadka Oo Ay Ku Eedeyeen Inay Ka Mashquuleen Shaqadoodi,

Qaar Ka Mida Hoyooyinkan Ayaa Cod Dheer Ku Sheegay In Uu Hada U Dhaw Yahay Inuu Xidhmo Cisbitaalku Sidoo Kale Sheegay Inay Ka Wayeen Dhakhaatir U


Shaqayso Oo U Heelan,

 

Maamulka Cisbitaalka Wayn Ee Magaladda Burco Iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Togdheer Ayaa U Muuqda Inay Ku Fashilmeen Shaqadii Loo Igmaday Marka Loo Eego Cabashooyinka Is Biirsaday Ee Ka Soo Yeedhaya Cisbitaalka Burco,

Xukumada U Majaraha U Hayo Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo Ayaa Laga Sugayaa Inay Talaabo Degdeg Ah Ka Qabato Cisbitaalka Burco Oo Hada U Bahan In Daryeel Cafimaad Ay Hesho ,Isla Markanaa Wax Laga Qabto Cabashooyinka Ka Soo Yeedhaya Bukaan-Jiifka Cisbitaalka Burco.