Norway Oo Ku Guulaystay Inay Soo Saarto Markabkii Ugu Horreeyay Adduunka Ee Iskii Isku Wada

0
Saturday August 05, 2017 - 11:32:41 in by Burco Office
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway Oo Ku Guulaystay Inay Soo Saarto Markabkii Ugu Horreeyay Adduunka Ee Iskii Isku Wada

    Norway Oo Ku Guulaystay Inay Soo Saarto Markabkii Ugu Horreeyay Adduunka Ee Iskii Isku Wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Norway Oo Ku Guulaystay Inay Soo Saarto Markabkii Ugu Horreeyay Adduunka Ee Iskii Isku Wada

Horumarka ballaadhan ee guud ahaan Dunidu ku tallaabsanayso ayaa had iyo jeer xambaarsan farsamooyin cusub oo lagu fududaynayo dhammaan arrimaha la xidhiidha qaybaha nolosha aadamaha ee kala duwan, haddii aynu hore u arki jirnay ama u maqli jirnay maraakiib ay kooxi ka hawl gasho oo dhawr wadayaal oo is badala leh, Dawlada Norway ayaa waxay soo saartay Markab iskii isku wada isla markaana iskii isku hagaya markabkan oo suuqyada la soo galin doono horraanta sanadka soo socda ayaa waxa uu ku shaqayn doonaa nidaamka GPS-ka waxa kale oo uu leeyahay markabkani qalab uu ku dareemayo dhammaan waxa ku harreeraysan iyo sidoo kale wixii halis galinaya isla markaana waxa ku rakiban kamarado loogu tala galay in lagula socdo dhaqdhaqaaqiisa iyo kolba halka uu marayo waxaanu u hawl galayaa sidii maraakiibta caadiga ahi ee ay dadku wadaan u hawlgali jireen.

Jarriidada The World street oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa shaacisay in markabkan magaciisa la yidhaado Yara Pearkland, kaasi oo ku kacay lacag dhan 25 milyan oo Dollar qiimahaasi ayaa ah saddex jibaar qiimaha ay maraakiibta caadiga ahi ku kacaan. Markabkani waxa uu ku shaqayn doonaa Awood Korontada isla markaana uma baahanayo shidaal, waxanay dawladaasi Norway markabkan kaga nasan doobtaa 40 kun oo rixladood oo markaabtii dalkaasi u bixi jireen iyo sidoo kale in 90% ay hoos u dhigto shidaalkii ku bixi jiray maraakiibtaasi iyo musharakii ay qaadan lahaayeen kooxihii hagi lahaa markabkani oo meesha ka baxay.