Ciidamada Dawladda Yemen Oo Al-Qaacida Ka Qabsaday Magaalooyin Muhiim Ah

0
Saturday August 05, 2017 - 11:46:02 in by Burco Office
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dawladda Yemen Oo Al-Qaacida Ka Qabsaday Magaalooyin Muhiim Ah

    Ciidamada Dawladda Yemen Oo Al-Qaacida Ka Qabsaday Magaalooyin Muhiim Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dawladda Yemen Oo Al-Qaacida Ka Qabsaday Magaalooyin Muhiim Ah

Xoogag taageersan dawladda Yemen ayaa lagu soo waramayaa in ay dagaalyahannada Al-Qaacida ka saareen maagaalooyin waawayn oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Shabwa.


Ciidamada Yemen oo ay la socdaan maleeshiyo beeleedyo ayaa waxa taageerayey ciidadmada Imaaraat-ka iyo Maraykanka.

Maraykanku wuxu Al-Qaacida qaybteeda jasiirad la moodka Carabta u arkaa in ay tahay qaybta ugu khatarta badan ururkaa argagixisada ah.

Qaybtan ka tirsan Al-Qaacida ayaa ka faa’idaysatay qalalaasaha ka taagan Yemen ee ka dhasay dagaalka sokeeye waxa aanay ku fidday dhanka koonfureed ee saliidda iyo gaaska qaniga ku ah.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka oo la yidhaa Jeff Davis ayaa yidhi ujeedada ugu wayn ee hawlglkani waa in "la wiiqo” kartida ururkan.

Hase yeeshee dadka deegaanku waxay sheegeen in maleeshiyaadka kooxdaasi aanay la dagaalamin ciidamadaas ee ay ayaar uun u dareereen dhinaca buuraha.

Sidaas ayaanay magaalooyinkii waawaynaa ee gobolka lagu soo waramayaa in ay gacanta ugu galeen dawladda markii u horaysay muddo sanado ah.