"Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Imika Wuu Xasiloon Yahay" Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Colaadii Degmada Ceel-afweyn.

0
Sunday August 06, 2017 - 15:30:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Imika Wuu Xasiloon Yahay" Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Colaadii Degmada Ceel-afweyn.

    Hargeysa(AFKA);Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inuu xasiloonayhay deegaankii dagaalku ka dhacay ee Gobolka Sanaag,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay inuu xasiloonayhay deegaankii dagaalku ka dhacay ee Gobolka Sanaag,

gaar ahaan Deegaanka Dararweyne ee Degmada Ceel-afweyn ee Sanaag, waxaanu sheegay in ilaa hadda Dawladdu gacanta ku hayso Deegaankaas, waxaanu tilmaamay in sida ugu dhakhsaha badan hawshaas u soo afjari doonaan, Guurtida iyo Madax-dhaqameedkuna doorkoda ka qaadan doonaan.


Wasiirka Arrimaha Guddaha Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kaadh qadashada la filayo in bishan ka bilaabi doonto Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanu ugu horeyn uu yidhi "Deegaankii dagaalku ka dhacay imika wuu xasiloon yahay, Dawlad ahaana waajibkaygii waanu ka gudanay,gacantaana ayaanu ku haynaa, Guurtidii wey tagtay, Odayaashii, salaadiintii iyo wax-garadkli wey ka daba tageen, Wasiiro ayaa tagaya, markaas arinkaas dhakhso ayaa loo dhamaynayaa, haddana xaalkeedu aad buu u waanagsan yahay, dadkuna imika sidii hore wey ka wanaagsan yihiin, ee fidno hurada ayaan la kicin, qof walba oo fidno hurada kiciyaa waa dambiile, rasuulkuna SCW uu inooga digay in fidnada la kiciyo, ee wax walba wanaaga ha lagu dhameeyo”.

Wasiirka Arrimaha Gudduha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Bishan ayey kaadh qaadashadii ka bilaabi doontaa Gobolada Sool iyo Sanaag, ee Bulshada labadan Gobol, waxaan leeyahay fursada ha iska luminina ee kaadhka aad xaqa u leedihiin inaad ku codaysaan, ee aad Doorashada ku gashaan qaata”.