Madaxweyne Erdogan Oo Ku Taliyey In Masaajidda Laga Dhigto Qayb Ka Mid Ah Noloshada Bulshada

0
Sunday August 06, 2017 - 15:44:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Erdogan Oo Ku Taliyey In Masaajidda Laga Dhigto Qayb Ka Mid Ah Noloshada Bulshada

    Istanbul(AFKA);-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in jiilka cusub ee dalkiisa u soo baxaya uu yahay mid garanaya taariikhdiisa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Istanbul(AFKA);-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in jiilka cusub ee dalkiisa u soo baxaya uu yahay mid garanaya taariikhdiisa,

 xadaaraddiisa iyo dhaqankiisa, waxa aanu dadkiisa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay masaajiddadu mustaqbalka ku yeelan doonaan guud ahaan dalka Turkiga, kana dhigaan xarumo dhaqdhaqaaq iyo shaqo joogto ahi ka socoto oo aan keliya la isugu iman xilliyada shanta salaadood.

Hadalkan waxa uu madaxweyne Erdogaan jeediyey sabtidii shalay mar uu ka qaybgalayey barnaamij wacyigelin iyo barashada Islaamka ah oo xilliga xagaaga ay magaalada Istanbuul ku qabato Waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkigu. Barnaamij xilliyeedkan oo ujeedadiisu tahay in la dhiso wacyiga diiniga ee ardayda, ayaa khudbadan uu madaxweyne Erdogaan ka jeediyey waxa uu ku sheegay kalsoonida uu ku qabo in dalka Turkiga uu u soo baxay jiil cusub oo garanaya taariikhdiisa, xadaaraddiisa iyo dhaqankiisa, awoodna u leh in uu si fiican dhinac kasta isaga dhiso. Waxa aanu eedeeyey dhinacyo aanu magacaabin oo uu sheegay in ay fikir qaldan ka aaminsan yihiin jiilka soo kacaya ee dalkiisa.

Erdogan waxa uu sheegay in ururka hubaysan ee PKK uu ku hawlan yahay sidii uu carruurta iyo dhalinyarada uga fogeyn lahaa masaajidda iyo madarasadaha, isaga oo carrabka ku adkeeyey in dadka doonaya in ay kala fogeeyaan dhalinyarada iyo masaajidda ujeedadoodu ay tahay in ay jiilkaas ka dhigaan adeegeyaal iyo addoomo fikir baydhsan xambaarsan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Carabi 21 waxa uu madaxweyne Erdogan ku sheegay in masaajidda iyo golayaasha cilmiga diiniga ah aanay ka soo bixin argagaxisadu. Waxa aanu farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay in madarasadaha iyo masaajiddu ay noqdaan qayb ka mid ah nolosha bulshada Turkiga, si loo gaadho ujeedooyinka fiican ee la doonayo.

Ugu dambayntii madaxweyne Erdogaan waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in ay jiraan dad sas ka qaba in Turkiga loo dhiso jiil qalbiyadooda iimaan buuxiyey oo garaadkoodu dhisan yahay.