Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2017

0
Sunday August 06, 2017 - 15:54:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2017

    Muqdisho(AFKA);Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyaayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka, iyaga oo kulankooda ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2017-da qeybta sanadkan ka dhiman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyaayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka, iyaga oo kulankooda ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda 2017-da qeybta sanadkan ka dhiman.


Arrinta la xiriirta miisaaniyadda dowladda ayaa xilliyadii u dambeeyay waxaa ka socotay dood ay ka keeneen xildhibaannada qaarkood, gaar ahaan sida maamul gobolleedyada loogu qorsheeyay Bajadka ay ku leeyihiin miisaaniyadan oo aan si isla eg loogu qeybin.

Guddoonka naarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay wixii hadda ka dambeeya in ay ansax tahay miisaaniyadda dowladda 2017-ka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa soo dhaweeyay meel marinta baarlamaanka ee miisaaniyada sanadka 2017da.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa 2-dii bishan sheegay in la fasaxay miisaaniyadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto dooda miisaaniyadda guud ee dowladda 2017.

Sababta go’aankaas loo qaatay ayuu ku sheegay in ay tahay in aysan marna hakan xuquuqda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya.

Miisaaniyadda sanadkan ee dowladda ayaa guud ahaan dhan $260 milyan oo dollar.