Talyaaniga oo markab siday muhaajiriin u diiday inuu ku xirto Lampedusa

0
Sunday August 06, 2017 - 16:10:41 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo markab siday muhaajiriin u diiday inuu ku xirto Lampedusa

    Markab u kireysan hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday dad muhaajiriin ah ayaa loo diiday in uu ku xirto dekadda jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markab u kireysan hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday dad muhaajiriin ah ayaa loo diiday in uu ku xirto dekadda jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Markabka ayaa doonayay in dadkaasi muhaajiriinta ahi uu ku dejiyo halkaa balse waxaa laga hor istaagay in uu dekadda ku xirto.

Tallaabada loogu diiday markabkaasi in uu ku xirto dekadda ayaa qayb ka ah siyaasadda Talyaaniga ee ka dhanka ah qulqulka muhaajiriinta.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa markabkaasi oo siday 127 qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda.

MSF ayaa waxa ay ka mid tahay hay'adaha samafalka ee diiday in ay saxiixaan xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Talyaaniga.

Talyaaniga sheegaya in joogitaanka hay'adahai ay dhiirigelinayso dadka ka soo tahriibaya dalka Liibiya.

Haseyeeshee hay'adahani ayaa ku doodaya in xeerkaasi uu lid ku yahay hawlgalladooda bani'aadaniumada, waxa ayna sheegayaan in ay u hoggaansamayaan oo kaliya shuruucda caalamiga ah.


Xigasho/BBC Somali