Dawlada Israel Oo Shaacisay In Ay Xidhayso Xarunta Telefishanka Al-Jazeera Ku Leeyahay Dalkeeda.

0
Monday August 07, 2017 - 11:22:34 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Israel Oo Shaacisay In Ay Xidhayso Xarunta Telefishanka Al-Jazeera Ku Leeyahay Dalkeeda.

    Dawlada Israel Oo Shaacisay In Ay Xidhayso Xarunta Telefishanka Al-Jazeera Ku Leeyahay Dalkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Israel Oo Shaacisay In Ay Xidhayso Xarunta Telefishanka Al-Jazeera Ku Leeyahay Dalkeeda.

Dawlada Israel Oo Shaacisay In Ay Xidhayso Xarunta Telefishanka Al-Jazeera Ku Leeyahay Dalkeeda. Israel ayaa doonaysa in ay xidho xafiiska telefishanka Qatar laga leeyahay ee Al-Jazeera

ku leeyahay dalkeeda, isla markaana ay ruqsadda kala noqoto warfidiyeenka ka shaqeeya

.


Wasiirka isgaadhsiinta, Ayuub Kara, ayaa ku eedeeyey TV-ga in uu taageero argagixisada, waxaanu sheegay in labadiisa laamood ee Af-Carabiga iyo Af-Ingiriisiga ah labadaba la xidhayo.


Ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa ku eedeeyey telefishanka in uu wado "isku dir", Aljazeera ayaa se cambaaraysay go'aankaa.


 

 

Dawladda Israel waxay sheegtay in ay go'aankeeda ku salaysay mid keeda la mid ah oo ay dalalkooda kaga mamnuuceen dhawr dal oo Carbeed oo Sunni ahi, iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed soo dhex galay dalalkaas iyo Qatar oo ah dalka maal geliya Aljazeera xaruntiisuna tahay.


Netenyahu ayaa qoraal uu ku qoray bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ugu hambalyeeyey Kara go'aankaa uu ku mamnuucay Aljazeera waxaanu yidhi " waan u hambalyeynayaa wasiirka oo amarkii aan siiyey fuliyey oo talaabo adag ka qaaday Aljazeera-da isku dirka wada".


Mid ka mid ah masuuliyiinta Aljazeera oo jooga xarunta dalka Qatar ee Dooxa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in "TV-gu aad uga xun yahay go'aanka ay gaadhay dawladda lagu sheego ta keliya ee dimuqraadiga ah ee ku taal Bariga Dhexe, isla markaana u arko talaabadaa ay qaaday mid khatar ah".


Netenyahu ayaa hore ugu eedeeyey TV-gan in uu hurinayo xiisadda haatan ka taagan goobta barakaysan ee ku taal magaalada Quddus ee Muslimiintu u yaqaanaan Xaram al-Shariif, Yuhuuduna tidhaa Temple Mount.