Boorama(AFKA);Muwaadin Dhallinyaro ah oo Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ku iibiya Magaalada Boorama,
ayaa ka cawday Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, oo uu sheegay inuu Muddo dheer siin la’yahay Lacag dhan Lix Milyan oo Shilin oo Dawladda Hoose kaga qaadatay Wargeysyada.
Muwaadinkan oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Lacagta Lixda Milyan ah uu Dawladda Hoose ee Boorama kaga qaadatay Wargeysyada oo uu sheegay inuu si maalin leh u dhigo Xarunta Dawladda hoose, Maayarkii horena uu Maayarka Hadda Xilka haya ku wareejiyey Deyn lagu leeyahay Dawladda Hoose, Deyntaasi oo ay ka mid tahay Lacagta Dawladda hoose ku qaadatay Wargeysyada, laakiin Maayarka Boorama ee xilligani aanu ogolayn inuu bixiyo Lacagtaasi.
Muwaadinkan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Waxaan Maayarka Boorama kaga cabanayaa waxa Meesha (Dawladda Hoose) iga taalla oo aan ku leeyahay Deyn dhan Lix Milyan oo Somaliland Shilin ah.”
Muwaadinkan oo la waydiiyey Sifaha uu Maayarka ugu yeeshay Lacagta uu sheeganayo ayaa ku jawaabay "Sifaha aan ugu yeeshay waxa weeyaan, Dawladda Hoose waxay qaadataa Jaraa’id, Maayarba Maayarka uu beddala Deynta lagu wareejiyo wuu bixiyaa, laakiin isagu wuxuu leeyahay ma jaraa’id baan kaa qaatay. Markaan ku noqnoqday wuxuu igu yidhi Codsi soo qoro, Saakana (Shalay) markaan u tagay wuxuu yidhi ‘Nagala tag’, markaa waxaan ka codsanayaa Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Xukuumaddaba in Ninkaa la iga qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Badhasaabku wuu ogyahay oo isagaaba ka hadlay Maalintii Xoghayaha Gobolka Xilka lagu wareejinayey oo ku yidhi ‘ku yar oo Cadceedda la wareega Jaraa’id baa Lix Milyan idinku leh ee maxaad kale oo aad qabanaysaan’..”
Maayarka Boorama Oo Loo Haysto DEYN-Lacageed Oo Dawladda Hoose Lagu Leeyahay
Boorama(AFKA);Muwaadin Dhallinyaro ah oo Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ku iibiya Magaalada Boorama,