Daawo;: "Berbera Waxaan Is-Leeyahay Waxay Gashay Caloosha Kulmiye Laakiin Waynu Ka Soo Saaraynaa Caloosha Kulmiye, Fartiina Ayaad Kaga Soo Saaraysaan" Musharax Cabdiraxmaan Cirro/Akhriso

0
Tuesday August 08, 2017 - 19:47:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo;: "Berbera Waxaan Is-Leeyahay Waxay Gashay Caloosha Kulmiye Laakiin Waynu Ka Soo Saaraynaa Caloosha Kulmiye, Fartiina Ayaad Kaga Soo Saaraysaan" Musharax Cabdiraxmaan Cirro/Akhriso

    Burco(AFKA);Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maanta socdaal ugu baxay goballada Sool iyo Sanaag oo maalmo ka dib ay ka bilaabmayso qaadashadii kaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maanta socdaal ugu baxay goballada Sool iyo Sanaag oo maalmo ka dib ay ka bilaabmayso qaadashadii kaadhka diiwaan-gelinta Doorashada,

 ayaa si weyn looggu soo dhaweeyey deegaanada Dacar-budh, Abdaal iyo Lafa-ruug iyada oo sida oo kale na ay halkaas ku soo dhaweeyeen wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbigaasi kuwaasi oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Abiib Tima-cad, Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin aad u tira badan.

Weftigan, ayaa markii uu soo gaadhay Lafa-ruug, waxa ay halkaas xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyeen Wax-garad iyo taageerayaal tira badan oo ku soo biiray Xisbiga kuwaasi oo ka soo diga-rogtay KULMIYE iyada oo sida oo kale na ay halkaas cod dheer kaga sheegeen in ay si weyn u taageersan yihiin Xisbiga WADDANI.

Musharaxa xisbiga Waddani oo khudbad u jeediyey dadweynaha degmada Abdaal ee gobolka Saaxil ayaa waxa ay khudbadaasi u dhignayd sidan:- "Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan odayaasha iyo dhalinyarada iyo madaxda xisbiga Waddani ee Gobolka Saaxil, degmadaba iyo degmooyinkii aanu soo dhaafnay sidii wanaagsanayd ee ay noo soo dhaweysteen. Waxaan aad iyo aad uga xumahay in warkii halkan laga sheegay ee ahaa in dad badan oo ka iman lahaa gobolka Saaxil loo diiday inay yimaadaan halkan sabab loogu diidayna aanay jirin.

Walaalayaal ciidamada bileysku waa saaxiibka shacabka waa ilaaliyaha sharciga, ciidamada bileyska waxaan ugu baaqaynaa inay ka baxaan oo ka fogaadaan siyaasada, waxaanu ugu baaqaynaa inay sharciga uun ilaaliyaan, muwaadiniintana ilaaliyaan. Bileyska waxa loogu talo galay inay shacabka ilaaliyhaan looguma talo galin inay shacabka dhibaan. Aniga aabahay-baa bileys ahaan jirayoo bileyska waan jecelahay.

Ciidamadeena milatariguna hawl wanaagsan ayay inoo hayaan, amaankii qaranka ayay inoo hayaan, iyagana waxaanu uga digaynaa in aanay siyaasada ku milmin, waxa la ii sheegay dadkii la bacad joojiyey ee gaadiidkoodii halkaa lagu hayey, baabuur soo baxay inuu shil ku dhacay oo dad dhaawacmay jiraan, illaahayna waxaan uga baryayaa dadkaasi inuu caafimaad siiyo.

Walaalayaal khudbadihii waa la dhameeyey, waxaan jecelahay in aan idhi inaan ku celiyo oo ah siyaasada xisbiga Waddani maxay ka qabtaa hantida qaranka, hantida qaranka ee lagu qaatay sifo aan sharci ahayn in lagu soo celiyo gacanta shacbiga, waxa laga yaabaa in reer Berberi ay is-weydiinayaan Berberi meeday, dekeda oo qudha maahee Berberi meeday, Berbera waxaan is leeyahay waxay gashay caloosha Kulmiye laakiin waynu ka soo saaraynaa Caloosha Kulmiye, Saw kama soo saarno, Fartiina ayaad kaga soo saaraysaan.” Ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro.