Musharaxa xisbiga mucaeadka ee Ucid Aqonyahan Jamaal Cali Xeseen oo Edayn kulul dusha uga tuuray xukmada Madaxwayne Silanyo

0
Monday February 24, 2014 - 08:47:55 in by London Office
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa xisbiga mucaeadka ee Ucid Aqonyahan Jamaal Cali Xeseen oo Edayn kulul dusha uga tuuray xukmada Madaxwayne Silanyo

    Musharax madaxwatynaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in ay Qaaday dariiqi Dawladii Kacaanka ee Siyaad Barre waxaanu xusay in uu habeen hore uu la yaabay xukumadii oo aan wadadii ceeriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax madaxwatynaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in ay Qaaday dariiqi Dawladii Kacaanka ee Siyaad Barre waxaanu xusay in uu habeen hore uu la yaabay xukumadii oo aan wadadii ceerigabo gacanba u qaadin dhismaheeda in ay ka dhamaan waydey faan iyo guulwadeyn lacago badan lagu burburiyo xaflado aan faa'iido lahayn.

Musharax madaxwatynaha  Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukumada Siilaanyo ku eedeyey in ay Qaaday dariiqi Dawladii Kacaanka ee Siyaad Barre  waxaanu xusay in uu habeen hore uu la yaabay xukumadii oo aan wadadii ceerigabo gacanba u qaadin dhismaheeda in ay ka dhamaan waydey faan iyo guulwadeyn lacago badan lagu burburiyo xaflado aan faa’iido lahayn.

Wax kale oo uu sheegay in Xukumada Siilaanyo ay meel walba dhigtay dhagax sheegtayna in ay waddo ka dhisayso ilaa hadana aan wax ay qabtay aan la arag, isaga oo xusay in Arrimihii Dawladii Riyaale ay ku dhaleceyn jireen ay iyagii maryaanoo ay hadana tagan yahiin wadadii ay ugu baqeen isbadalka.

Sidaasi Wax uu ku sheegay mar uu maanta Kormeer ku tagay sariibada magaalada berbera oo todobaadadii ugu danbeyey uu ku sugnaa magalada Berbera si uu u ogaado xalad rasmiga ee ay ku sugan yahiin hoyayinka iyagau ka ganacsada saribada   .

Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo arimahasi ka hadlayaa wax nuu yidhi "Anagu Xisbi Ucid ahaan waanu taageersanahay Wadada Ceerigabo, lakiin xallayna waxaan Telefeshinka ka arkayey iyada oo aan waxba la sameyn in dadkii lagu waalay xayeysiis iyo balaayo sidii Kacaankii Siyaad Barre in durbaan waxba ka jirin ay tumanayaan, marka hore wax wanaagsan in aad wax dhisato oo aad xadhiga ka jarto, laakiin xukumadani wax uunbay dhagax dhigaysa wax allaale iyo wax dhamaanaya ma jirto, qoladani dhagaxdhigis uunbay ku jirta halkan dhagax dhig halkan dhagax dhig, waxaasina waa wixii shalay iyagu ay xukumadii ka horeysay ee Riyaale ku dhaleceynayeen, xukumada silaanyo waxan leeyahay isku kalsoonada oo beenta ha sheegina, oo waxan aad wadan dalka ka daaya.”Ayuu yidhi.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu kale soo jeediyay in ardayda loo daayo nusasaacaha laga urursanayo oo hantida madaxda dawladda loo quudho dhismaha wadada, waxaannuu yidhi, "Waxaan mar kale ku celinayaa waar ardayda yar yar lacagta musasaacaha ha loo daayo oo wasiiradan baabuurta $80 kun ee doolar ah wata ha lagu daro wadada ceerigaabo.xukumadu ma garanayso waxa kharashu kaga baxo, waxaan dhaliilayaa xukumadan ku dhaliilayaa maalinta safar wafti u baxayso in lays daba yaaco oo boqol laangaruusal shidaal lagu shubo dadka maatida ahna wadad la sii safo la odhaanyo na soo dhaweeya .xalay ayaad arkayseen dadkii danyarta ahaa ee marka hore waxba la siin waayay in markii marwada madaxwaynaha jabuuti soo caawisay lagu wada yaacay.”Sidaa waxa yidhi Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID JamaalCali Xuseen.

Dhanka kale wax uu ka hadlay hawlaha uu u jooga Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera waxaanu yidhi "ujeedada socdaalkaygu waxa weeye dardargalinta xafiiska xisbiga UCID ee gobolka saaxil iyo la tashiyo aan la samayn doono masuulyinta xisbiga ee gobolka Saaxil, Markaa waxa aan maanta jeclaysatay oo kale inaan bookhdo sariibada wayn ee magaalada Berbera oo si fiican ayaa bulshadii ku ganacsanaysay aan u arkay, maaha marka aad magaalada timaado inaad tagtid oo kaliya hudheelada qaaliga ee qorshahayga ayaa ka mid tahay inaan bulshadayda arko xaaladooda.


 waxa ay ku soo beegaysaa dhawaqan ka soo yeedhay musharaxa xisbiga mucaradka ee Ucid aqonyahan Jamaal Cali Xuseen  mar xalay la xalayay khilafaadki ku gadamnaa xisbiga Kulmiye ee talada Dalka haya .


AFKASHACABKA.COM
HARAGAYSA/OFFICE
CONTACT@HADWANAAGNEWS.COM