Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaalla Kenya

0
Thursday August 10, 2017 - 09:00:10 in by Burco Office
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaalla Kenya

    Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaalla Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad Ku Dhintay Rabshado Ka Dhacay Magaalooyin Ku Yaalla Kenya

Ugu yaran afar qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhashay natiijada horudhac ah ee doorashada madaxtanimada dalka Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka raila odinga ayaa sheeegay in la jabsaday oo lagu shubtay doorashada islmaarkaana codad la xaday isgaoo sheegay in kenyyta aan la dooran

Arintan ayaa dhalisay rabshado ka dhacay dhoor deegaan oo magaalada caasumada ah ay ku jirto

Labo qof ayaa dhimatay shan a kalana waa ay ku dhaawacmeen magaalada Nairobi xaafad ku taala kadib markii booliska rasaas ku fureen dad dibad baxayay.

Taliyaha booliska ee magaalada Nairobi Japheth Koome ayaa sheegay in dadka la dilay ay haayeen tuugo ka faaideysaneysay rabshadaha oo wax xadayay.

Deegaanka KIISII oo sadax boqol oo km u jira magaalada xarunta ah ee Nairobi ayaa waxaa la sheegay in labo qof ay dhinteen markii boolisku rasaas ku furay dad mudaharaadayay

Magaalada KISUMA oo ah deegaanka uu ka soo jeedo Odinga ayaa waxaa ka socda dibad baxyo rabshada wata

Dhalinyarada ayaa ku qeylinayay uuru ka baxo hadii aan odinga imaan nabadi ma jirto

Qeybaha kale ee dalka ayaa wadooyinku haawanayay waxaana xiran inta badan ganacsigii iyada ay aad u sareyso cabsida laga qabo in dibad baxyadu isku badalaan rabshadu qoomoyad ku saleysan

Odinga oo ah 72 ayaa markii afaraad u tartamaya xilka madaxweynenimada, sanadkii 2013 ayay aheyd markii uu guuldaro kala kulmay doorashadii dhacday

Qalbiyada shacabka Kenya waxaa wali ka go’in rabshadihii lagu martay 2007 markii Odinga qaadacay natiijada doorashada, taasna ay ka dhalatay rabshado dad badan ku dhinteen

In kabadan kun qof ayaa ku dhintay rabshadahaasi waxaana jiray in maxkamada Hague ay danbiyo ku soo oogtay madax badan oo Kenyaan ah kuwaasoo uu ka mid ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto.

Sanadkii 2013 ayuu sidoo kale qaadacay odinga natiijada doorashada isagoo u dacwooday maxkamada sare taas oo uu ku guuldareystay

Uhuru Kenyatta waa 52 jir waxaana uu minka hogaaminaya dooorashada isaga oo 54.4% heysta halka odinga 44.8%

Tirinta cododka ayaa heer gabo gabo ah maraya, waxaana lagu wadaa in Guddiga doorashada ay natiijada rasmiga ah ku dhawaaqaan muddo todobaad gudahood.