Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Mooshin Xilka Qaadis Ah

0
Thursday August 10, 2017 - 09:04:44 in by Burco Office
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Mooshin Xilka Qaadis Ah

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Mooshin Xilka Qaadis Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Mooshin Xilka Qaadis Ah

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa markale ka badbaaday olole xil ka qaadis ah oo ay soo abaabuleen xisbiyada mucaaridka ah.


Salaasadii shalay ayaa codka kalsoonida markale loo qaaday Mr.Zuma oo bilihii lasoo dhaafay ay hareeyeen eedeynmo la xariira musuq maasuq iyo dhaqaalaha hoos u dhacay ee dalkaasi.

Xisbiyada Mucaaridka oo isubaheystay ridida Madaxweyne Zuma ayaa ku guuleystay in Baarlamaanka codka kalsoonida u qaado Madaxweynaha, isla markaana codka laga dhigo mid "Qarsoodi” ah.

Waxay mucaaridka rajeenayeen in codod dheeraad ah heli doonaan oo ay taageero ka heli doonaan xildhibaanada xisbi Xaakimka ANC hadii codka qarsoodi laga dhigo.

Codbixinta ayaa waxaa si dirqi ah ku guuleystay taageerayaasha Zuma, 198 xildhibaan ayaa difaacay Zuma halka ay kalsoonida kala noqdeen 177, waxaa codbixinta ka aamusay 9 xildhibaan. Baarlamaanka dalkaasi ayaa ka kooban 400 xildhibaan.

Zuma oo taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Cape Town codbixinta ka dib ayaa sheegay in mucaaridka ay wax "khiyaali” ahiska dhaadhiciyeen oo ay aamineen in uusan taageero weli ku dhexlahayn xisbigiisa ANC oo uu sheegay inuu yahay kan taageerada ugu badan ka heysta shacabka dalkaasi.