Kuuriyada Waqooyi Oo Weerar Ugu Hanjabtay Waddanka Maraykanka.

0
Thursday August 10, 2017 - 09:12:43 in by Burco Office
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi Oo Weerar Ugu Hanjabtay Waddanka Maraykanka.

    Kuuriyada Waqooyi Oo Weerar Ugu Hanjabtay Waddanka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada Waqooyi Oo Weerar Ugu Hanjabtay Waddanka Maraykanka.

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay ka baaraandagayso in ay fuliso weerar gantaalo ah oo ay ku qaado jasiirada Guam oo Maraykankan ka tirsan.


Warkan ayaa laga baahiyay warbaahinta dowlada Kuuriyada wuqooyi oo soo xiganaysa bayaan ay soo saareen militariga dalkaasi.

Hanjabaadan Kuuriyada wuqooyi ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii madaxwaayne Donald Trump uu si caro leh ugu hanjabay Kuuriyada wuqooyi oo uu sheegay in ay la kulmi doonto dab uusan waligii mid la mid ah caalamka arkin .

Wakaalada wararka ee Kuuriyada wuqooyi ayaa sheegtay in dowlada Kuuriyada wuqooyi ay ka baaraandagayso in ay gantaalada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer ay ku ganto Guam oo jasiirad saldhig u ah ciidamada cirak Maraykanka.

Hadaladan ay iswaydarsadeen labada dal ayaa ah mid sii cirka ku sii shareeraysa xiisada u dhaxaysa.

Qaramada midoobe ayaa dhawaan sii kordhisay cunaqabataynta dhaqaale ee Kuuriya wuqooyi.

Kuuriyada wuqooyi ayaa waxa ay cunaqabatyntasi ku tilmaamtay mid jabinaysa madaxbanaanideeda.