Qaadashada Kaadhka Codbixiyayaasha Oo Saaka Si Rasmiya Uga Bilaabantay Gobolada Sool Iyo Sanaag
Wararka ka imanaya gobolada bariga Somaliland ayaa sheegaya in saaka abbaaro lixdii subaxnimo ay si rasmi ah goboladaasi uga bilaabmatay qeybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha ee gobolada Sool iyo Sanaag..
Shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag ayaa saaka aroortii hore u dareerey qaadashada kaadhka codbixiyayaasha labdaasi gobolka ee Sanaag Iyo Sool oo ah labadii gobol ee ugu danbeeyey ee laga qaato kaadhkaasi.
Masuuliyiinta xisbiyada Qaranka Somaliland oo ku sugan Laascaanood ayaa kormeeraya saaka goobaha ay ka bilaabmatay qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha ee goboladaasi,waxaana waftigii uu hogaaminayay murrashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ay saaka u baxayaan degmada Xuddun ee gobolka Sool oo kamid ah degmooyinka la dhigay sanaaduuqda ay ku jiraan kaadhadhka codbixiyayaashu,halka masuuliiyiinta kale ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID-na ay kormeerayaan deegaano kale oo ay ka socoto qaybinta kaadhka codbixiyayaashu.
Dhinaca kale waxa laga cabsi qabaa in maamulka Puntland ay carqaladeeyaan deegaano ka tirsan gobolada Sanaag iyo Sool oo ay saaka ka bilaabmatay qaybinta kaadhka codbixiyayaasha,waxaana xukuumadda Somaliland ay ciidamo tiro badan gaysay deegaanka Xuddun ee gobolka Sool oo shalay ay ka dhacday shaqaaqo kooban oo lagaga soo horjeeday sanaadiiqda la keenayo degmadani.
Maamulka Puntland ayaa shalay ku goodiyay inaan gobolada Sool iyo Sanaag la keeni Karin sanaadiiq ay ku jiraan kaadhka codbixiyayaashu,iyaga oo sheegtay in labadan gobol ay ka tirsan yihiin maamulkooda,sidoo kalena waxay ku goodiyeen inay carqaladayn doonaan deegaanada ay ka bilaabmayso kaadh qaybintu.
Qaadashada Kaadhka Codbixiyayaasha Oo Saaka Si Rasmiya Uga Bilaabantay Gobolada Sool Iyo Sanaag
Qaadashada Kaadhka Codbixiyayaasha Oo Saaka Si Rasmiya Uga Bilaabantay Gobolada Sool Iyo Sanaag