Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Weerar Ku Qaadey Al-Shabaab

0
Sunday August 13, 2017 - 09:09:36 in by Burco Office
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Weerar Ku Qaadey Al-Shabaab

    Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Weerar Ku Qaadey Al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha Dagaalka Ee Maraykanka Oo Weerar Ku Qaadey Al-Shabaab

Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyuhu wadin ee Drone ay weerar ku qaadeen xarun ay iska lahaayeen al-Shabaab meel ku dhaw magaalada Muqdisho.


Weerarka waxaa oggolaadey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sida lagu sheegay war ka soo baxey Pentagon.

Madaxweynaha Soomaaliya oo habeenkii xalay war saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in uu wax ka ogaa weerarka laguna diley xubin sare oo ka tirsan al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanku waxay sheegayaan in weerarkaas lagu diley ugu yaraan 8 ka tyirsan dagaalyahanada al-Shabaab.

Ma cadda in werarkan wax khasaaro ah gaarsiiyey dad shacab ah oo goobahaas ku dhawaa.

Dowladda Federaalku ma caddeyn magaca rasmiga ah ee sarkaalka la diley.

Dhawaan ayey ahayd weerar kan la mid ah oo Maraykanku fuliyey oo lagu diley sarkaal ka tirsanaa al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Jabal, al-Shabaab ma xaqiijin in sarkaalkaas laga diley iyo in kale.