60 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Cisbitaal Ku Yaalla Waddanka Hindiya

0
Sunday August 13, 2017 - 09:12:07 in by Burco Office
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    60 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Cisbitaal Ku Yaalla Waddanka Hindiya

    60 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Cisbitaal Ku Yaalla Waddanka Hindiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

60 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Cisbitaal Ku Yaalla Waddanka Hindiya

Ugu yaraan 60 carruur ah ayaa ku dhintay cisbitaalka dadweynaha oo ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan, iyadoo ay jiraan eedeymo ah in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xidhiidha lacagaha oo aan la bixin.

Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ayaa qiray in laga jaray adeegga hawada oksojiinta, balse waxay dafireen inay dhimasho sababtay.

Lahaanshaha sawirkaAFP

Qoysaska dadka isbitaalka ku jira ayaa la arkayay iyagoo bacaha neef ku siinaya bukaanka.

Dhimashada carruurtan ee isbitaalka Baba Raghav Das ee degmada Gorakhpur district ayaa soo bilaabatay Isniintii. Soddon ka mid ah carruurta ayaa dhintay intii u dhaxeysay Khamiistii iyo Jimcihii keliya.

HINDIYALahaanshaha sawirkaAFPImage captionCarruurta ugu badan ayaa ku dhintay qaybta xannaanada ee isbitaalka

Gobolkan ayaa ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka Hindiya waxaana sanadkiiba ku dhinta boqollaal carruur ah.

Wasiirka caafimaadka dalkaasi Sidharth Nath Singh ayaa sidoo kale beeniyay inay carruurta u dhinteen oksojiin la`aan.