Muxuu Tababare Zidane Ka Yiri Casaankii CR7, Bandhigii Wiilashiisa, Kulanka Lugta Labaad & Hadii Ay Laba Koox U Kala Qeybsan Tahay Madrid.

0
Monday August 14, 2017 - 11:10:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Tababare Zidane Ka Yiri Casaankii CR7, Bandhigii Wiilashiisa, Kulanka Lugta Labaad & Hadii Ay Laba Koox U Kala Qeybsan Tahay Madrid.

    Real Madrid ayaa guul weyn ka gaartay Barcelona kulan labada kooxood ku dhexmaray garoonka Camp Nou ciyaar ka tirsaneed Supercopa de Espana iyadoo kulanka uu ahaa mid uu hareeyay murano garsoore oo wali ay doodooda taagan tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa guul weyn ka gaartay Barcelona kulan labada kooxood ku dhexmaray garoonka Camp Nou ciyaar ka tirsaneed Supercopa de Espana iyadoo kulanka uu ahaa mid uu hareeyay murano garsoore oo wali ay doodooda taagan tahay.

Tababare Zinedine Zidane ayaana si faah-faahsan uga hadlay wax walba oo ku saabsan kulanka isagoo wax adag ku tilmaamay casaankii la siiyay weeraryahankiisa reer Portugal Cristiano Ronaldo.

"Sida aan mar walba sameeyo, ma doonayo inaan la falgalo kana doodo shaqada garsooraha” ayuu yiri tababare Zinedine Zidane oo la hadlayay warbaahinta kadib kulankii Barcelona.

"Waxana ciyaarnay kulan weyn, balse waxa i caro galiyay waxey aheyd casaankii Cristiano Ronaldo”

"Laga yaabee ineysan rigoore aheyn, balse inaad casaan siiso adigoo ku eedeynaya inuu is tuuray waa wax yara adag” ayuu yiri Zidane.

"Si kastaba ma badali karno, xitaa hadii aan isku dayno inaan dib u helno arbacada”

Dhanka kale Zinedine Zidane kuma faraxsaneen in kooxdiisa la nus-qaamiyo balse wuxuu aad u bogaadiyay xidigahiisa iyo jawaabta ay ka bixiyeen.


"Waxaan ku dagaalanay 10-nin, waxaan gaarnay guul sax ah ugu dambeyntii, inkastoo kulanka uu ahaa hal oo ay jirto lug labaad”

"Waan ku faraxsanahay natiijada, balse kulanka ma ahan mid la go’aamiyay waana inaan ciyaarno arbacada”

"Waa inaan raaxeysano caawa, laga bilaabo berito waxaan bilaabeynaa isku diyaarinta shaqada arbacada”

Ugu dambeyntii Zinedine Zidane ayaa si weyn kaga hadlay bandhigyada wiilashiisa ee sida shaqsiga ah ula falgalay kulankii xalay.

"Waxa uu sameeyay Asensio igama yaabin” ayuu yiri Zidane.

"Waan ku faraxsanahay isaga, sida qof walba oo kale oo naga mid ah”

"Ma jirto koox A ama B”


"Qof walba wuxuu u shaqeeyay si la mid ah, kadib waa inaan dooranaa koox isla markaana aan badalo sameynaa”

"Waxa wanaagsan waxey tahay in qof walba uu shaqo qabtay, hadii uu ciyaarayo 30, 60 ama 90”