Dalalka Latin America Oo Ka Soo hor-jeestay Tallaabo Millatari Oo Maraykanku Ka Qaadayo Dalka Venezuela

0
Monday August 14, 2017 - 11:29:29 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Latin America Oo Ka Soo hor-jeestay Tallaabo Millatari Oo Maraykanku Ka Qaadayo Dalka Venezuela

    Qaar ka mid wadamada Latin America oo ay ku jiraan kuwa sida wayn u dhaleeceeya Venezuela ayaa waxa ay canbaareeyeen hadalkii ka soo yareey madaxwayne Trump oo sheegay in ka baarandagayo in tilaabo militiri looga jawaabo xaalada ka taagan Venezuela.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid wadamada Latin America oo ay ku jiraan kuwa sida wayn u dhaleeceeya Venezuela ayaa waxa ay canbaareeyeen hadalkii ka soo yareey madaxwayne Trump oo sheegay in ka baarandagayo in tilaabo militiri looga jawaabo xaalada ka taagan Venezuela.

Peru, Mexico iyo Colombia ayaa waxa ay dhammaan canbaareeyeen hadalka Trump.

Xukuumada Peru ayaa ku baaqday in wadaxaajood lagu xaliyo dhibaatada Venezuela.

Dalalka Mexico iyo Colombia ayaa baaq kan la mid ah u diray Maraykanka, iyaga oo sheegay in xal dublamaasiyadeed la raadiyo.

Dowladda Peru, ayaa jimcihii dalkeeda ka cayrisay safiirkii Venezuela u fadhiyay.

Madaxwaynaha dalka Peru Pedro Pablo Kuczynski ayaa ugu baaqay Mr Maduro in uu xilka ka dago isaga oo ku tilmaamay in uu yahay kaligiitaliye.

Urur goboleedka ay leeyihiin wadamada Koonfurta Amerika ee loo soo gaabiyo Mercosur ayaa waxa ay Venezuela ka joojiyeen xubinimadii ururkaasi.

Dalalka ku jira urur goboleedkan ayaa waxa ay sheegeen in qaab dublamaasiyadeed oo kali ah ay tahay sida lagu hormarin karo dimuqraadiyadda Venezuela.

Maalintii Jimcaha ayay ahayd markii madaxwayne Trump uu sheegay in Maraykanka ay u furan yihiin tilaabooyiin dhowr ah oo ay ka mid tahay in tillaabo militari laga qaado Venezuela haddii loo baahdo.