Madaxweynaha Kenya Oo Ugu Baaqay Mucaaradka In Sharciga Iyo Ammaanka Ilaaliyaan

0
Tuesday August 15, 2017 - 09:07:35 in by Burco Office
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya Oo Ugu Baaqay Mucaaradka In Sharciga Iyo Ammaanka Ilaaliyaan

    Madaxweynaha Kenya Oo Ugu Baaqay Mucaaradka In Sharciga Iyo Ammaanka Ilaaliyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya Oo Ugu Baaqay Mucaaradka In Sharciga Iyo Ammaanka Ilaaliyaan

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad loo doortey hogaanka dalkiisa ayaa ugu baaqay mucaaradka inay sharciga ilaaliyaan oo wax walba ka hormariyaan ammaanka.


Sidoo kale Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu baaqay Booliska inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka diidan natiijada ka dhalatay doorashadii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka Kenya.

"Waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka diidan natiijada doorashada in ay garowsadaan in aan nahay dad Kenyan ah,waxaan ugu baaqayaa nabad iyo saaxibtinimo,”ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in mucaaradka aysan uga baahnayn isaga iyo Booliskaba fasax inay banaanbaxyo nabad ah dhigaan, balse waxa uu sheegay in aan loo dulqaadanayn in dad dhiigooda la daadiyo iyo in la burburiyo hanti.

Mr Kenyatta oo ku guuleystey doorashadii 8dii bishan ka dhacday dalka Kenya kadib markii uu helay codad gaaraya boqolkiiba 54.27.

Hase ahaatee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashada isagoo sheegay inaysan ahayn mid si cadaalad ah ku dhacday.