Ugu Yaraan Shan Askari Oo lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Dalka Kenyan Ah

0
Wednesday August 16, 2017 - 10:40:53 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugu Yaraan Shan Askari Oo lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Dalka Kenyan Ah

    Gaarisa(AFKA);-Ugu yaraan shan ka tirsan askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino, iyagoo marayay deegaanka Bodhai-Ijara oo ka tirsan Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaarisa(AFKA);-Ugu yaraan shan ka tirsan askarta booliska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena waa lagu dhaawacay kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino, iyagoo marayay deegaanka Bodhai-Ijara oo ka tirsan Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degto.

Booliska Kenya ayaa sheegay in miinadaasi ay gaariga la eegteen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab, kadibna ay gubeen gaariga markii dambe goobtana ay ka baxsadeen.

Askarta weerarka lagu qaaday ayaa ka tirsanaa kuwa saldhigga Bodhai ee deegaanka Ijaara.

Goob jogayaasha ayaa u sheegay wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Kenya in askarta weerarka ku dhaawacantay ay ku dhuunteen keynta ilaa halkaa ay ugu tagaan ciidamo gurmad ah, waxaana markii dambe dhaawacooda loo duuliyay magaalada Nairobi.