Hogaamiyaha Mucaraadka Oo Sheegay Inuu Dacwad U Gudbin Doono Maxmkada Ugu Saraysa Dalkaas.

0
Thursday August 17, 2017 - 06:00:59 in by Super Admin
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Mucaraadka Oo Sheegay Inuu Dacwad U Gudbin Doono Maxmkada Ugu Saraysa Dalkaas.

    Hogaamiyaha mucaaradk Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkmadda ugu sarreysa dalka geyn doono dacwad ka dhan natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee lagu dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha mucaaradk Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkmadda ugu sarreysa dalka geyn doono dacwad ka dhan natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee lagu dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay.

Mr Odinga oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in doorashadaasi loogu shubay Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ayaa horay u beeniyay eedeyntaasi.

Xisbiga Odinga ee NASA ayaa horay u sheegay inaysan aadi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa maanta sheegay in gao'aankaasi ay qaateen ka dib markii ay arkeen ''sida ay dowladda ugu cagajugleyneysa hay'adaha aan dowliga ahayn ee doonayay inay maxkamadda geeyana dacwad ka dhan natiijada doorashada.

Natii

Waa kuma Raila Odinga?

Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Kenya

Goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa ku sheegay doorashada mid u dhacay si xor ah, waxyna ku baaqeen xasilooini.

Mr Odinga ayaa sheegay in mucaaradkauu hayo cadddeymo muujinaya in lagu shubtay doorashada.

Wuxuu sidoo kale ku celiyay dalabkiisii ahaa in dadweynaha Kenya ay isugu soo baxaan muddaaharaad, isagoo sheegay inay dadku xaq u leeyihiin inay sameeyaan dibadbaxyo iyo shaqo jooji.