Maraykanka oo Markale Digniin U Diray Kuuriyada Waqooyi.
Washington(AFKA);-Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa uga digay Kuuriyada Waqooyi inay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay dagaal ka bilowdo gobolkasi xiisadu ka taagan tahay.
Waxa uu u sheegay weriyayaal uu la hadlay in jawaab celinta ka dhalata weerar kasta oo ay qaado xukuumadda Pyongyang ay noqon doonto mid ballaadhan, waxaana uu Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay inay ka baaqsato daandaansi
Mas’uuliyiin ka socota Maraykanka iyo Japan oo kulan ku yeeshay Washington, ayaa sheegay inay sare u qaadi doonaan iskaashigooda ku aaddan difaaca, si ay uga hortagaan khatarta nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.
Maraykank ayaa dhankiisa ku adkeystay inuu dhoolatus ciidan todobaadka soo socda la samayn doono dalka Kuuriyada Koonfureed, inkastaa arintaasi ay diiddan yihiin xukuumadaha Beijing iyo Pyongyang, oo Maraykanka uga baaqay inuu hakiyo dhoolatuskaasi xiisadda taagan awgeed.