Hindiya: Gabadh 10 Jir Ah Oo Ilmo Lagu Qalay Kadib Markii Adeerkeed Kufsaday
Gabadha ayaan ka warhaynin in ay dhashay. Markii ay uurka lahaydna waxaa loo sheegay in waxa caloosheeda ka kuusan uu yahay dhagax wayn.
Canugta ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaalla magaalada Chandigarh ee dalka Hindiya iyada oo culayskeedu yahay 2.5kg, balse hooyadeed lagu qalay.
Gabadha iyo hooyadeedba way caafimaad qabaan sida ay saraakiil u sheegeen BBC.
Adeerkeed ayaa lagu eedeeyay in uu marar badan kufsaday gabadha toddobadii billood ee la soo dhaafay, xabsiga ayaana la dhigay.
In ay uur tahay ayaa la ogaaday bartamihii Luulyo, ka dib markii ay ka cabatay in caloosha laga hayo, markaas ayayna waalidkeed geeyeen isbitaal.
Maxkamad hoose oo ku taalla magaalada Chandigarh ayaa diiday in ilmaha la soo xaago ka dib markii guddi dhakhaatiir ah isku raaceen in ay aad halis u tahay arrintaasi, markii dambana maxkamadda sare ayaa go’aankaas oo kale qaadatay iyo sababo kuwaas oo kale ah.’
Maadaama oo canugta yar ay dhalatay iyadoo aan shinkeedii buuxsamin, waxaa la galiyay qalab lagu xannaaneeyo oo isbitaalku leeyahay, halkaas oo ay ku sii jiri doonto maalmaha soo socda, sida ay ku soo warramayso weriyaha BBC Geeta Pandey oo ku sugan magaalada Delhi.
Waalidiinta gabadhan toban jirka ah oo markii u horraysayba sheegay in aysan rabin canugga uurka ku jira ayaan xataa fiirinin sida uu eg yahay canuga yari, ayuu ku sii daray wariyahannagu.
Ilmaha hadda waxaa baxnaanin doona guddi carruurta xannaaneeya tan iyo in xal kale looga helayo.
Hooyada toban jirka ah ayaa la filayaa in ay isbitaalka ku sii jirto todobaad ilaa toban maalmood.
Toddobaadyadii u dambeeyay warkan ayaa qabsaday ciwaannada warbaahinta dalka Hindiya, saraakiishuna waxay sheegayaan in ay tahay gabadhii ugu da’ yarayd ee wax dhasha abid.
Sharciga dalka Hindiya ma ogola in ilmaha la iska soo xaaqo marka uu 20 todobaad dhaafo, haddii aysan dhakhaatiirtu caddaynin in nolosha hooyadu ay halis ku jirto.
Hindiya: Gabadh 10 Jir Ah Oo Ilmo Lagu Qalay Kadib Markii Adeerkeed Kufsaday
Hindiya(AFKA);Gabadh 10 jir ah oo la kufsaday, maxkamadda ugu saraysa Hindiyana ay u diiday in ay iska soo xaaqdo uurka ayaa dhashay gabadh iyadoo lagu qalay.