Xirsi Cali Xaaji Xasan Muxuu Ka Yidhi Khilaafka La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Isaga iyo Cirro, Kordhinta Mushaharka Ciidamada iyo Hogaaminta Siilaanyo.

0
Friday August 18, 2017 - 12:10:31 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Cali Xaaji Xasan Muxuu Ka Yidhi Khilaafka La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Isaga iyo Cirro, Kordhinta Mushaharka Ciidamada iyo Hogaaminta Siilaanyo.

    Hargeysa(AFKA);Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, hogaaminta madaxwayne Siilaanyo iyo hadalkii Cali Gurey ee la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in khilaaf ka dhexeeyo isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, hogaaminta madaxwayne Siilaanyo iyo hadalkii Cali Gurey ee la xidhiidhay inuu jiro cilmi loo yaqaano Xirsiolagy.

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa sidoo kale ka hadlay kordhinta mushaharka ciidamada,guryan u dhisi doonaan, waxaanauu sheegay inay taasi ka mid tahay siyaasadda xisbiga, islamarkaana ay ku dari doonaan buugga barnaamijka xisbiga.
Ugu horayn Hogaamiyaha ayaa ka hadlay hadalkii Cali Gurey ee ahaa inuu jiro cilmi uu ku tilmaamay faji oo loo yaqaano Xirsiolagy, waxaana uu yidhi:
"waan maqlay saaxiibkay Cali Gurey oo leh Xirsiolgy, dee markaan anigu waxaaban u arkay inuu i amaanayo oo xumaan umaan arkayn inuu cilmi iigu magac daro sida Biology-ga ceeb maahee waa ammaan dhibna uma arko”.
Sidoo kale Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si kooban uga hadlay kordhinta mushaharada ciidamada, waxaana uu yidhi:

 


"Markaanu la wareegno xukunka insha allah waxaanu mushaharka u kordhin doonaa ciidamada, sidoo kalena aanu guryo u samayno markaa waa siyaasadda xisbiga Barnaamijka xisbigana waa lagu soo darayaa insha allah”.
Ugu dambayn Xisri Cali Xaaji Xasan oo u waramayay telefishanka Eryal ayaa wax laga waydiiyey hadalka ay ku cel-celiyaan taageerayaasha KULMIYE ee ah in dalku uu ku jiro xaalad adag isla markaana loo baahan yahay hogaamiye adag oo ka furdaamiya, waxaana uu Xirsi su’aal galiyey hogaamiyah Siilaanyo ka adag ee KULMIYE raadinayo, "Hogaamiyahan adag ee ay baadi doonayaan (qolada KULMIYE) kan (Siilaanyo) iminka idiin jooga ma mid jilicsan baa ilayn anagu waxaanu ku ogayn kii Somaliland ugu mudnaaye” ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali oo waraysi siiyey wariye Cabdiqani Dawlad oo ka tirsan Eryal TV.
Geesta kale Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu baahiyey shabakadaha qaarkood kaasoo sheegaya in isaga iyo Guddoomiye Cirro uu khilaaf u dhexeeyo, waxaana uu sheegay inay wadashaqayn fiicani ka dhaxayso Murashaxa xisbiga.